“Anigu kalsooni weyn ayaan naftayda ku qabaa, Illaahayna ku qabaa, inuu hankayga Madaxtinnimo ii xaqiijiyo, haddii kheyr naftayda iyo ummadaba ugu jiro, qofkii aan kalsooni ka qabin inuu tartamana waxaan leeyahay….”
“Madax-dhaqameedku xil buu leeyahay, Guddiga Horumarintu xil buu leeyahay, Xisbigu xil buu leeyahay, Golaha dhexe xil buu leeyahay, Hay’adina ma qaadan karto xil aanay lahayn…” Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale
Hargeysa, (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hoosta ka xariiqay in fagaaraha Ragga immika shaaciyey damacooda iyo kuwo kale oo soo bixi doonaa-ba ku kala hadhi doonaan in uu yahay Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, oo dhammaan Shacabka Somaliland ka kooban, isla markaana inay cid gaari ka hadasho ama farageliso, tahay waxaan Midnimada Somaliland, Midnimada Xisbiga, Midnimada reeraha iyo nidaamka dimuquraadiyaddda toona aan u fiicnayn.
Wasiir Cabdicasiis Samaale oo wareysi dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska HIMILO ka tirsan, ayaa wuxu waraysigan ku sheegay inuu shuruudo ku aqbalay, taladii Madaxweyne Siilanyo iyo Wax-garadka Somaliland kaga codsadeen inuu jagada Guddoomiyennimada Xisbiga KULMIYE uga hadho Walaalkii Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbigaas, ay ahayd inaan mar dambe hankiisa Madaxtinnimada dalka uu leeyahay la odhan ka hadh, halka lagu kala baxayaana tahay Golaha dhexe ee Xisbiga, isla markaana waxa uu soo jeediyey Samaale in qofka Golaha dhexe ka baqaya ee aan kalsooni inuu ku soo baxayo ka qabin ay u fiican tahay inuu tartanka iska daayo.
Mar la weydiiyey Wasiir Samaale sababta reeruhu u dhexgalaan arrimaha Xisbiyada iyo sida uu u arko waxa uu yidhi; “Somaliland muddo dheer immika waxay ku soo dhaqmay nidaamka Xisbiyada badan, waa nidaamka Xisbiyadu ku soo baxaan, ee Siyaasiyiinta hanka leh ku soo baxaan. Saddexda Xisbi ee maanta dalka ka jira KULMIYE, UCID iyo WADANI waa Asxaab Qaran, Xisbi uu reer leeyahay ma jiro, Xisbi walba ummadda Somaliland dhammaanteed way ku wada jiraan. Waxa reebban oo Siyaasadda Qarankeenna ka reebban inuu Xisbi reer noqdo, beelaha oo dhan Xisbiga Kulmiye way ku jiraan, beel gaar u sheegan kartaa ma jirto, horena beel u sheegan jirtay ma jirin. Xisbiga KULMIYE waa Xisbi ballaadhan oo ummadda reer Somaliland dhammanateed ku jirto.”
“Xisbiga KULMIYE waxa aasaasay Madaxweyne Qaranka Somaliland maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan ka mid ahaa dadkii koobnaa ee Madaxweynaha la aasaasay Xisbigaa, dadka kale ee aasaaska ka qeybqaatay maanta Xisbiyada kale ayey ku jiraan, waxa kale oo jira Rag Ururradii dhacay ku jiray oo maanta Xisbiga Rag waaweyn ka ah. Xisbiga KULMIYE intuu dhisnaa dadkii damaca iyo hanka Madaxtinnimada dalka lahaa ayaan ka mid ahaa, waxaan soo noqday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka (Wakiillada, Illaahay wuu igu soo guuleeyey, maantana waxaan ahay Wasiirka Maaliyadda, Berri ka maalinna waxaan doonayaa inaan kursiga ugu sarreeya Qaranka haddii Illaahay ii suurtageliyo aan gaadho, anigoo u maraya waddadda sharciga ah ee loo maro oo Xisbiga gudahiisa ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Sidoo kale, Wasiir Samaale oo ka jawaabayey sifihii uu hore ugaga hadhay tartankii Guddoomiyennimada Xisbiga KULMIYE iyo inay jireen shuruudo uu ku xidhay, waxa uu yidhi; “Maanta Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah Musharraxa Xisbiga Kulmiye, shanta sannadood ee soo socota, isaganan ku dhisanaynaa, sidaan aniga iyo Rag saaxiibbaday ah marar badan oo hore u sheegnay. Madaxweyne Siilaanyo dabadii dadka damaca iyo dumuuxa kursiga koowaad ee dalka leh ayaan ku jiraa, qofkastoo damacaa, dumuuxaa iyo hankaa lehna meeshuu ka soo baxayo ee ku guulaysanayo ama ku guul-darraysanayo waa Golaha dhexe ee Xisbiga. Meesha Ragga immika shaaciyey damacooda iyo kuwo kale oo soo bixi doonaaba ku kala hadhi doonaan waa Golaha dhexe Xisbiga KULMIYE, Golahaa dhexena reer ma laha ee dhammaan shacabka Somaliland ayuu ka kooban yahay. Awood Golaha dhexe leeyahay, awood Xisbiga KULMIYE leeyahay, awood dhammaan ummadda gobollada Somaliland dhammaantood leedahay, inay cid gaar ahi ka hadasho ama farageliso, waa wax aan midnimada Somaliland, midnimada Xisbiga iyo midnimada reerkaba aan u fiicnayn.”
Samaale oo Jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaan muddo dheer doonayey inaan noqdo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, xilligii shirweynaha Xisbigu socday, muddo dheer ayuu arrinkaa reerku ku murmay, meesha lagu kala baxayey shirweynaha Xisbiga ayey ahayd, aniga, Madaxweynaha Qaranka Axmed-Siilaanyo iyo dad waaweyn oo Siyaasiyiinta Qaranka ah, ayaan anigu inaan Guddoomiyennimada Xisbiga KULMIYE u daayo walaalkay Muuse Biixi ku taliyey. Waan ka aqbalay Madaxweynaha, laakiin taa macnaheedu ma ahayn, waad ka hadhaysaa Musharraxnimadana, wakhtigeediina ma joogin.”
“Taa lafteeda shuruudo ayaan ku aqbalay, ahayd haddaan jagadii Guddoomiyennimada uga hadhay Walaalkay Muuse Biixi, inaan mar dambe hankayga Madaxtinnimada dalka ee igu jira aan ka hadlayo oo dhan, halka lagu kala baxayana waa Golaha dhexe ee Xisbiga. Qofka golaha dhexe ka baqaya een kalsooni inuu ku soo baxayo aan ka qabin, dee talaabo inuu tartanka iska daayo ayaa u qurux badan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda oo ka jawaabayey su’aasha kor lagu weydiiyey.
Sidoo kale, Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka jawaabayey sida uu u arko go’aammo ku saabsanaa Musharraxnimada Xisbiga Kulmiye iyo inay khilaaf ka dhex abuurin reerkiisa ama guud ahaan Somaliland waxa uu ku jawaabay; “Dhinaca reerka waxaan leeyahay waa in midnimada reerka la ilaaliyo, siday u ilaalismaysaana waa in Ragga damaca Siyaasadeed leh ee Axsaabta u samaystay ama u galay inay hankooda ku xaqiijiyaan, qof walba waxa uu xaqiijin karo loo daayo oo la sugo, qofkii wax u suurtagalaan iyo kii ay suurtogali waayaan. Waxaan doonayaa inaan hadday tahay walaalkay Maxamed Biixi, iyo walaalkay Muuse Biixi iyo haddii ay jiraan walaalo kale oo soo bixi kara oo han siysaasadeed leh annagoo gacmaha is-haysanna inaan fagaaraha tartanka soo wada galno, oo tartanno, oo ka soo baxa la dhiso ayaan diyaar u ahay. Kursiga ciddii Illaahay u qoray ayaa ku guulaysan doonta, waa wax sammada yaalla, qaddarka in la aammino weeye.”
Waxaanu Wasiir Samaale intaa ku sii daray oo yidhi; “Waxaan hore u sheegay immikana sheegayaa inaanay reerka u oollin tartan Xisbiga dhexdiisa ka dhacayaa, waayo? Raggan immika hadlaya iyo kuwa iman doonaba reerku dhex ayey u yihiin, ha sugaan cidda kaga soo guulaysata Golaha dhexe Musharraxnimada Xisbiga Madaxweyne Siilaanyo dabadii. Xisbiga waa in qabyaaladda laga yareeyo, waxa uu ka dhexeeyaa dhammaan qabaa’ilka Somaliland. Dadka qabyaaladda adeegsanaya anigu waxaan qabaa inay yihiin dad kalsoonida ay isku qabaan yartahay ama xaddidan tahay, qofku waa inuu Illaahay kalsooni ku qabaa, aniguna kalsooni weyn ayaan naftayda ku qabaa, Illaahay-na ku qabaa, inuu hankayga Madaxtinnimo ii xaqiijiyo, haddii kheyr naftayda iyo ummadaba ugu jiro. Waa in meel walba xilka ay leedahay loo daayo, Madax-dhaqameedku xil buu leeyahay, Guddiga Horumarintu xil buu leeyahay, Xisbigu xil buu leeyahay, Golaha dhexe xil buu leeyahay, Hay’adina ma qaadan karto xil aanay lahayn. Marka muran Xisbiga dhexdiisa yimaaddo, Maxkamadaha Dastuuriga ah ayaa lagu kala baxaa, maantana ma jiro muran Xisbiga KULMIYE dhexyaal.”
“Waxaan dhammaan ummadda Somaliland u sheegayaa in doorashada Musharraxnimada Xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo dabadeed u taallo Golaha dhexe ee Xisbiga, inaan cid gaar ah lagu dhibin, oo reer gaar ah la siin, hawl Xisbiga u taalla, sida Salaaddiin badan iyo waxgaradku maantaba u leeyahiin hawsha Musharraxnimadu waa mid Xisbiga u taal ayey Caddaaladda iyo xaqu ku jirtaa. Waxaan ugu dambayn caddeynayaa inaan leeyahay hanka Madaxtinnimada dalka, Madaxweyne Siilaanyo dabadii, hankaana qofkasta oo mid la mida leh waan ku soo dhaweynayaa, hadday tahay walaalkay Maxamed Biixi, hadday tahay walaalkay Muuse Biixi iyo hadday tahay walaallo kale oo soo bixi doona, tartan xalaal ah oo Golaha dhexe ah ayaa lagu kala bixi doonaa, qofkastoo soo baxana, iyadoo gacmaha lays haysto ayaa Xisbiga KULMIYE lagu dhisi doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Himilomedia.com