Tiir-dhexaadka qaranimada somaliland waa shacabka iyo ciidamada qaranka somaliland oo u taagan Astaanta midnimada shacabka iyo difaaca dalkeena somaliland, Sidaas awgeed shacab iyo dawladba waxaa inagu waajib ah mudnaanta kowaad inaynu siino ciidamada kala duwan ee qaranka si muwaadinka askariga ah ee naftiisa u hibeeyay difaaca dalkiisa iyo dadkiisu u ogaado tixgalinta iyo qiimaha uu ku leeyahay dawladiisa iyo shacabkiisa, Hadaba ujeedada qormadan oo ah daryeelka nolosha ciidamadeena kala duwan ee Milatariga, Booliska, Iyo Asluubta, waxaan marka hore ku baraarujinayaa Shacabka iyo dawladaba, Ciidamada dalkeena waa inaynu ku taakulaynaa waajibka saaran ee ay inoo hayaan waa difaaca dalkeena waa ilaalinta nabada, waa dhaqan celinta anshaxa wanaagsan ee bulshada, Sidaas darteed waxan leeyahay Golaha xukuumada oo ah Laba Qodoba.
Shacabka somaliland way idiin ogyihiin inaad hirgaliseen, Waa Darajo-siinta Ciidamada dalka iyo Mushahar kordhin Boqolkiiba Labaatan ah 120% .
Hadaba waxan Wasiirka wasaarada Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaale ku dhiirigalinayaa inuu qorshaha Odoroska misaaniyada 2015 intaan la bilaabin uu golaha xukuumada iyo madaxweynaha dalka u soo bandhigo qorshe mushahar kordhin ciidamada dalka ah oo Boqolkiiba Konton ah qorshahaa mushahar kordhinta ahna waxaa laga samaynayaa ama uu ka imanayaa Labadan Qodob marka odoroska miisaniyada 2015 loo qondaynaayo ama laga samaynaayo mushahar kordhinta ciidamada.
1. Qodobka kowaad Mudane wasiir c/casiis samaale waxaad mushahar-kordhinta ciidamada ka qoondayn kartaa idinkoo gole xukuumad ahaanmiisaaniyada sanadka 2015 wixii u qorshaysan gadiid dawladu iibsanayso inaad xukuumad ahaan joojisaan Boqolkiiba Sideetan 80%
kuna bedeshaan mushahar-kordhinta ciidamada ee 2015, Sidoo kale waxaad madhxisaan kharashka maamulka dowlada guud ahaan Boqolkiiba Konton 50%
kuna bedeshaan mushahar-kordhinta ciidamada.
2 Qodobka Labaad Mudane Wasiir C/Casiis samaale Qodobkani waa qaadista wasaaradda maaliyada ee aad hogaamiso inay labanlaabto shaqaadeeda dakhli ururinta ah sida xaqiiqadu tahay wasaarada aad hogaamiso ee maaliyadu waxay ka shaqaysaa kaliya inay qaado cashuurta toosan ee kastamada dalka balse cashuurta dadban Bolkiiba Lixdan 60% Ma qaadan Sababtuna waxa weeye shaqaalaha khibrada iyo aqoonta u lahaa ee wasaaradaada waxad ka dhigteen hawl gab adiga iyo Eng.Maxamed xaashi oo aad xilka kala wareegtay waxaad hawl galiseen dhalinyaro cusub oo tababar u baahan, Hadaba waxaan talo kugu kordhin lahaa in wasaaradu samaysaa mashruuc tababar iyo dakhli oo aad ka wada shaqaysiiso shaqaalaha khibrada leh ee hore iyo kuwa cusub taasi waxay u samaynaysaa wasaarada maaliyada wadashaqayn iyo furfurnaan shaqo oo markaa hore kor uqaada dakhliga cashuuraha ee kastamada iyo cashuuraha berriga.
intaas waxaan ku soo kobayaa qodobka labaad oo aan u arko talo dakhli kordhin ah iyo maamul wanaag wasaarada maaliyada kor uqaadaya wada shaqaynteeda, Balse haduu maamulku noqdo indho-indhayn iyo dhaga-dhageyn waxay dhantaalaysaa horumarka dhaqaalaha dawlada.
waxaan tusaale ku haboon qodobkan usoo qaadanayaa Marka Bilihii June Illa July 2014 Mar uu wasiirka maaliyada mudane c/casiis samaale siminaar uu uqabtay wasaaradaha dalka oo ay fadhiyeen Agaasimayaasha iyo Agaasima waaxeedyada maamulka lacagta waxa uu wasiir samaale kala hadlayey olole dakhli kordhineed iyo nidaam casri ah oo xisaabaadka iyo maamulka lacagta dabcan khasaare maaha ee waa mashruuc u gaar ah Wasaarada maaliyada iyo Cashuur bixiyeyaasha ama ganacsatada dalka inay shiraan.
Hadaba marka aan intaa kaga gudbo dhiiri galinta dakhli abuurka ama dakhli kordhinta waxaan u gudbayaa halku dhiga qormadan oo ah Wasiir C/casiisaw tiir-dhexaadka qarankeenu waa saddexda ciidan qarane dalka e u qorshaha miisaniyada 2015 Mushahar kordhin Boqolkiiba Konton 50% Xukuumadu Ha ugu darto,
Sidaasi darteed waxaan idinku dhiirigalinayaa xukuumad ahaan iyo wasiir samaale ahaanba inaad ku dhiirataan qodobkan oo ah Mushahar kordhinta saddexda ciidan qaran oo wax qabad iyo dhiirigalin weyn u ah ciidamada dalka iyo shacabka ay heeganka u yihiin iyo xukuumadiina intaba, Sidaasi awgeed waxaan qormadan ku soo kobayaa Mar saddexaad ciidamada dalka oo hela mushahar kordhin 50% ah ma jiro wax qabad ka weyn oo ay ku faanto xukuumada madaxweyne Axmed-silaanyo Xataa waddada ceerigaabo waxaa ka weyn nolosha askarigeena oo daryeel hela wadaduna markaas ayay dhismaysaa Insha Allah,
Intaasi waxaan ku darayaa fariin aan u diraayo dhamaan muwaadiniinta wax ka qora arimaha danta guud ee wadankeenu inay ka hadlaan daryeelka nolosha muwaadinka heeganka ugu jira difaaca qaranka iyo ilaalinta nabadgalyada shacabka habeen iyo maalinba.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Mawliid Aadan Cumar
mawliid1991@gmail.com