Wasiir Samsam Oo Kormeertay Ceel Biyood Laga Hirgaliyey Seeraha (Banka) Qoolcaday, Kuna Wareejisay Qarbad Weyn Iyo Baco Lagu Kaydiyo Biyaha Ceelkaasi

0
166

Qoolcaday  (Hubaal) – Wefti ay horkacayso Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ka mid yihi Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Wasaaradaha Duulista iyo Ciyaaraha, Xubno ka tirsan guddida Deegaankaasi Iyo Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Guddida Taakulaynta Abaaraha Somaliland ayaa kormeer iyo u kuurgalid ku soo maray Ceel Biyood Riigg ka qoday Banka Qoolcaday.

kormeer samsam

Weftigan Wasiirka Maaliyada Somaliland ay hogaaminaysay ayaa intii ay kormeerkaasi ku jireen waxa ay indhahooda ku arkeen Xoolo (Geel) laga waraabinayey Ceelka Riigu uu ka qoday banka Qoolcaday, Waxaanay Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo Warbaahinta la hadashay ay xustay in riigani wax weyn ka tarayo dadka abaartu saamaysay ee deegaankan ku sugan, waxaanay tidhi “Anigu maanta Qarbadd weyn oo sideetan foosto qaada waan idiin sidaa oo FAW ilaahay khayr ha siiyee ay na siiyeen iyo Baco aan is-idhi waakan Roobkii bilaabmaya ee meel ay Xoolaha iyo Dadkuba ay ka galaan (shelter) ha u noqdaan, maadaama marka roobku da’o xoolaha oo diciif ahi ay ku dhintaan.

Waxa kale oo aan idinku wareejinayaa toban foosto oo inta bal Riiggan aynu qorshe u galayno tobanka foosto ee uu bishan ku shaqaynayo insha allaah. Markaa waa ceel aynu runtii ka wada shaqaynayno, maanta wixii ka dambeeyana baahiyihiisa sidaynu uga wada hawlgalayno ayaynu u wada joognaa”.

Agaasimaha Wasaarada Duulista Hawada Cumar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka xusayaa qalabkaasi iyo alaabtaasi ay noo siday Marwo Wasiir Samsam Cabdi Aadan anagu kamaanaan codsan, anagaa madaxdii deegaankaasi ah oo umaanaan tagin, Marwo Samsam iyadaa Telefishanka daawatay, Ceelka markii ay xaaladiisa Aragtayna isku dirtay.

Talaabadaasi wanaagsan ee ay qaaday Marwo Samsam waxa ay tusaale u tahay dalkaas oo dhan in meeshii ay aragto oo dareenkeedu siiyaba inay iyadu u dedaalayso oo ay u tagayso ummadda, shacabka reer Somaliland way ka markhaati kaceen, dagmada Salaxlayna markii koowaad ee ay wax ku wareejiso maaha” ayuu yidhi Agaasimaha Wasaarada Duulista Hawada Somaliland.

kormeerka samsam

Geesta kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Dhabeeye waxaanu yidhi “Waxanau uga mahadnaqaynaa Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan Socdaalka iyo Indha-indhaynta ay halkan ku timid, waxaananu ka gudoomaynaa Qarbadada iyo Bacaha Biyaha lagu kaydiyo iyo qalab kale ee ay ugu talo gashay in Ceelkan lagaga shaqeeyo”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey Wasiiru DAwlaha Wasaarada Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees “Halkan aynu maanto joogno waxa aanu ilaahay uga mahadnaqaynaa  Riigii oo biyihiisii laga cabayo oo maanta ay xagan dambe xoolihii taagan yihiin. Halkan waxa maraya Wasiirkii Maaliyada, Guddidii Beesha, Agaasimayaashii, dhamaana waxa halkan loo yimi inaynu maanta eegno Ceelkii sida uu u shaqaynayo.”

Gabogabadii waxa Deeqdaasi ka gudoomay gudoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen-Shiine, waxaanu yidhi Gudoomiyaha Degmada Salaxay “Wasiir Samsameey xiligani waa xiliga ay dadku maryaha isku toltoshaan marka ay wax kale waayaan si ay roobka uga galaan, runtiina dadka bankan Qoolcaday yaala ayaanu ka fuudh yeeli doonaa oo aanu u qaybin doonaa iyagaana ugu dhaw, waxaananu wasiirka kala wareegnay sidoo kale Qarbad Sideetan foosto qaada, waxaananu maalmahan oo dhan ka hadlaynay in weel biyaha lagu kaydiyo aanu helno aad iyo aad baananu Wasiir Samsam uga mahad celinaynaa, illaahay khayr ha kaa siiyo ayaanu ku leenahay”.

Maaha Markii ugu horaysay ee Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay kormeer iyo indha-indhayn ay ku tagto Ceelasha Riiga lagu qoday isla markaana ay qalab iyo agab ku wareejiso balse dhawaan ayay Marwo Samsam kormeer ku soo martay Ceelal biyoodo laga qoday deegaamo farabadan oo ay ka mid yihiin Ceel Biyood laga qoday deegaanka Ilinta, iyo Wajaale.

Waxaanay sidoo kale Wasiir Samsam ay todobaadkan raashin mudo lix bilood ah ku filaanaya ku wareejisay Maamulka Cisbitaalka Wajaale, taas oo la siin doono dadka cisbitaalkaa lagula tacaalayo ee danyarta ah isla markaana badankooda la keenay intii abaaruhu Dalka ka jireen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here