Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Magaallada Hargeysa Casho sharaf ku qaabilay qurbe-joog tira badan oo kamid ah jaalliyadaha Somaliland ee qaaradda Yurub, kuwaas oo safarro nasasho ku jooga haatan Somaliland.
Qurbejoogan oo isugu jiray madaxda jaalliyada Sweden ee Somaliland iyo masuuliyiinta xusbiga KULMIYe ee qurbaha, waxaa wasiirku uga warramay xaallada dalku jiro iyo maraaxilkii la soomaray, waxaanu yidhi “Waa Habeen farxadeed oo qiimo leh, runtii sharaf gaar ah bay ii tahay sidaad u sooajiibteen casuumaddan, waxaan idin leeyahay tii u horreysay maaha casuumaddani, tii u dembaysayna, waxaanan idin leeyahay soo dhawaada. Runtii waxaan idiin sheegayaa in xisbiga KULMIYE uu yahay mid dal iyo dibadba ka dhisan, kaasoo sida la sheegay aad mooda in sidii uu ahaan jiray sanadihii 2010-kii, 2012kii iyo wixii ka dembeeyey markii uu mucaaridka ahaa uu dardar cusub la yimi iyo isbedel horumar leh oo uu haatan isugu diyaarinayo doorashada madaxtinimada ee soo socota. Runtii waxaa xusid mudan madaxweynaha Somaliland oo halyay taariikhda galay ah oo aynu odhan karno waa Nelson Mandellaha Somaliland in uu horumarkaas horseeday intii uu talada hayay”. Sidaa ayuu yidhi wasiir Shucayb oo khudbad ka jeediyey madasha casho sharafta uu u sameeyey qurbejooga Somaliland ee dalka ku sugan. qaar kamid ah xubnaha casuumadda loo fidiyey oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Jaalliyada guud ee Somaliland ee Sweden Sakariye Xasan WAcays, xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYe ee Norwey Fu’aad Kaamil Ciise oo iyana halkaas ka hadlay ayaa wasiirka uga mahad naqay casho sharaftan waxaanay farxad iyo shucuur qiiro leh kamuujiyeen waxyaabaha la taaban karo ee dalku horumarka ka sameeyey muddooyinkii u dembeeyey.