Waxaa Uu Bixiyey Kharashka Lagu Dalbay Dawooyinkan Iyo Kirada Diyaaradda Lagu Soo Qaaday
“Waxa Naloo Sheegay In Magaalladii Burco Ay Gabaabsi Ku Yihiin Dawooyinkii Lagula Tacaallayay Shubanku ,Dabadeed Aad Ayaanu Uga Werwernay Oo Waxaanu Diyaarad Ka Dalbannay Nairobi Si Ay Muqdisho Uga Soo Qaado Dawooyinka, Markaa…” – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka Iyo Guriyeynta Somaliland Mr. Cali Xasan Maxamuud (Marreexaan)
Berbera (Hubaal) -Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud , Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland Xasan Cali Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa diyaarad dawooyin ah ugu deeqay magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo maalmihii u dambeeyey uu ku sii fidayey xanuunka Shuban bIyoodka oo ka dilaacay dadna ugu dhinteen. Diyaaraddan siday Dawooyinka loogu talo galay magaaladda Burco oo ka soo degtay magaaladda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa waxa halkaasi ku qaabilay wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen maamulka Gobolka saaxil. Ugu horrayn waxa ka warbixiyey diyaaraddan siday dawooyinka ee wasiirka hawlaha guud ugu deeqay magaaladda Burco wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan, waxaanuu yidhi “Anaga oo Hargeysa ka soo socona oo berbera ku soo socona una socona hawl kale ayaa naloo soo sheegay in magaaladii burco ee shubanku ka jiray dawooyinkii loo isticmaalayey shubanku ay gabaabsi ku jiraan, aad ayaanu uga warwarnay sidii ay masuuliyiintii kale ee gacanta ku hayey hawshaba ugu warwareen, waxaanu la hadalnay shariikadaha dawooyinka ee Hargeysa oo waxa ay noo sheegeen in aan Hargeysa laga helayn dawo ku filan, markaa ayaanu shirkad la yidhaahdo Liibaan And Iimaan ka dalbanay in ay dawooyin noo dalbaan, waanay noo dalbeen markiiba si deg deg ah hadana waxa loo baahday sidii deg deg loogu soo qaadi lahaa oo diyaarad ayaa loo baahday hadana diyaarad ayaanu ka dalbanay Nairobi Kenya, si ay usoo fadhiisato Muqdisho oo ay shirkadda dawooyinku u yaalleen, markaa shalayb illaa xalay mar keliya maanaan fadhiisan si ay hawshaasi u guulaysato waanataa alle mahaddii dawadii nasoo gaadhay, si dadka loogu daweeyo waanay gaadhi doontaa dawado goobihii looga baahnaa ee magaaladda Burco” ayaa ka mid ahaa hadalladii Wasiir Cali Mareexaan.
Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cali Maxamed Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay wasiirka ku bogaadinayaan dawooyinka diyaaradda ah ee uu u keenay magaaladda Burco ee xanuunka shuban biyoodka lagula tacaali doono wsiirka hawlaha guud ayaa ku deeqay dhamaan kharashka ku baxay dawooyinkan diyaaradda ah, wax weyn ayey ka taraysaa maalmaha soo socda in lagula tacaalo shuban biyoodka ka jira magaaladda Burco” ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Axmed.