Waxa uu Sharraxay Sida Uu Dhaqannada Wadaadnimada Iyo Fannaan-nimada Isku Waafajinayo
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka cusub ee Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Md. Khadar Xaaji Yuusuf oo lagu tilmaamo inuu katirsan yahay bahda waddaadadda ee dalka, ayaa ka hadlay sida uu u wadi doono hawlaha wasaaradda loo igmaday oo ay hoos iman doonaan bahda fannaaniinta oo aan xidhiidh fiican la lahayn waddaadadda.
Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf oo la hadlay telefishanka Star, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu la shaqayn karo bahda fannaaniinta ee masuulka looga dhigay, waxana uu meesha ka saaray inay jirto wax dhib ah oo la xidhiidha kooxdaas.
Wasiirku waxa uu sheegay inay fannaaniintu kamid yihiin dadka caadiga ah, isla-markaana ay xumaanta iyo wanaagaba dadkaas kala siman yihiin oo aanay jirin xumaan dheeraad ah oo loo nisbayn karaan, “Fannaaniintu waa dad islaam ah, mana aha dad meel fog jooga, sida waddaadada mid xun iyo mid wanaagsanba looga helayo, ayaa iyagana mid xun iyo mid wanaagsan ba looga helayaa, wax sas ahna kama qabo, waana dad wanaag badan leh sida bulshada kaleba ay tahay, markaa anigu ma odhanayo wax kasta dhinaca xun baan ka eegayaa” ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji.
Dhinaca kalena waxa uu wasiirku sharraxay sida uu ula wareegi doono wasaarad aan hore u jirin oo haatan la aasaasaayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“kollay wasaaraddani shaqaale iyo gawaadhiba way leeyihiin oo ma aha meel cidla ahe waa laba qaybood oo kala duwan oo laba wasaaradood ku kala jirey oo hal wasaarad laga dhigayo.”
Wasiirka cusub ee Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kamid ah bahda waxbarashada ee soo saartay da’yarta tirada badan, waxana uu si gaar ah xidhiidh ula leeyahay kooxaha waddaadadda loo yaqaanna ee inta badan dhinaca diinta tooska ugu xidhan, isla-markaana dhibsada dhexgalka bushada kale ee ku dhaqanka diinta aan sideeda u fulinin.