Wasiir Waran-cadde Oo Saacado Kooban Xabsiga Dhigay Maamule-ku-xigeenka Madaarka Hargeysa Oo Ka Horyimi Dalab La Xidhiidha Qolka VIP-da Oo Uu Qof Xanuunsanaya Uu Doonayey

0
35

Cadhadii Caddaani, Cafiskii Waran-cadde, Ciilkii Maamule-ku-xigeenka Iyo Ceebtii Garoonka

Hargeysa:(Hubaa)-Dagaal gacan-ka-hadal ah, ayaa subaxii hore ee shalay dhexmaray Wasiirrada wasaaradaha Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani)iyo Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-cadde, kadib markii uu wasiir warancadde damcay inuu xoog ku galo qolka VIP-da madaarka Cigaal International Airport.Madaarka Hargeysa

Sida ay sheegaya warar xog-ogaal ah oo wargeyska Hubaal soo gaadhayaa, waxa  arrin ugub ah oo aan hore dalka ugu dhicin ku tallaabsaday wasiir waran-cadde, kaas oo xilli wasiir Caddaani fasax ku maqnaa damcay inuu si xoog ah ku furto qolka VIP-da madaarka, isagoo doonayey inuu dhigo qof xanuunsanayey oo ehelkiisa ahaa, kaas oo uu doonayey in dibadda loo qaado.

Maamule-ku-xigeenka Garoonka Cigaal  Md Maxamed Xuseen Jaamac oo isagu shalay shaqada u lahaa, ayaa diiday rabitaanka wasiir waran=cadde ee la xidhiidha qolka VIP-da, waxana uu amray inaan haba yaraatee la furi Karin qolkaas, maadaama hore degreeto looga soo saaray cidda loo furi karo, isla-markaana aanu wasiirku iskii u doonaynin ee uu cid kale u doonayo.

Wasiir waran-cadde oo dhawaaqa Maamule-ku-xigeenka aad uga cadhooday, ayaa isla-markiiba amar ku bixiyey in si degdeg ah loo xidho Maamule-ku-xigeenka, waxana ciidamada ilaalada u ah wasiirku isku jabiyeen maamule-ku-xigeenka, isla-markaana u dhaadhiciyeen Saldhigga garoonka ku dhex yaalla, waxana uu halkaas ku xidhnaa muddo kooban oo saacado ku dhaw.

Qalalaasaha uu wasiir waran-cadde madaarka ka sameeyey isagoo awoodda qaranka adeegsanaya iyo xadhigga uu kula kacay masuulkii garoonka ugu sareeyey ee shaqada lagu ogaa, ayaa waxa ogaaday wasiirka Duulista Mudane Caddaani, kaas oo isagoo aad u cadhaysan garoonka yimi, isla-markaana isku dayey inuu gacanta ula tago wasiirka doolaalada dheer ee qaska riday oo ahaa md Waran-cadde.

Wasiir caddaani oo si weyn u cadhaysan, ayaa dhigiisa arrimaha gudaha weydiiyey su’aalo badan oo la xidhiidha dhibka uu garoonka ka geystay iyo sababta uu u xidhay maamulkii goobta, iyadoo uu isla-markiiba wasiir waran-cadde indhaha hoos u rogtay, isla-markaana uu waayey jawaab uu ku qancin karo wasiirka uu shaqadiisii rabshay.

Mudane waran-cadde, ayaa la sheegay inuu markii dambe dhiggiisa Duulista ka raalligeliyey dhibka uu geystay, isla-markaana uu amray in si degdeg ah loosii daayo maamule-ku-xigeenka, isla-markaana arrinta la dembobaso oo laga qariyo saxaafadda iyo waliba bulshada kale ee Reer Somaliland.

Waran-cadde, waxa uu madaxa iyo minjaha qaaday Maamule-ku-xigeenka iyo waliba wasiirka Duulistaba, waxana uu muujiyey inuu galay qalad sumcaddiisa dili kara, isla-markaana galaafan karo masuuliyadda uu qaranka u hayo, waxana uu ka baryey inay ceebtiisa daboolka saaraan oo ay afkooda iska haystaan, taas oo ay ka aqbaleen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here