Hargeysa (Hubaal)-Cali Maxamed Waran-cadde oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa ka Hadlay Diiwaangelinta Madaniga ah oo dalka muddo ka socotay iyo Halka ay haatan marayso, mar uu maanta ka Hadlay Madal xisbiga Kulmiye ku Qabtsaday Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa.
Mudane Waran-cadde waxa uu sheegay in badiba hawshii Diiwaangelintu dhamaad ku dhawdahay, isla-markaana dhawaan lasoo gebogebayn doono,
“Maalin-saddexaadii ayey Dawladdu Komishanka Doorashooyinka u gudbisay Saddex Million oo Dollar oo loogu talogalay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha,Maanta Arrintii Diiwaangelinta Muwaadintiiinta waxa dhamaaday 70% waa dhamaadeen, inta Hadhayna Bil Gudaheed bay ku dhamaanaysaa.”ayuu yidhi Cali Waran-cadde.
Dibu dhaca dhaca Doorashada ayuu wasiir Waran-cadde eedeeda dusha ka saaray Beesha Caalamka oo uu tilmaamay inay Bixin Kharashkii ku bixi lahaa Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, xilli doorashadii foodda inagu soo hayso, waxana uu yidhi, “Dawladdani uma Baahna doorashho dib u dhacda, Dawladani uma baahna in loo kordhiyo ee ay diyaar u tahay inay doorashadu wakhtigeedii u dhacdo, laakiin waxay isweydiintu tahay xaggee wax ka xun yihiin, diiwaangelinta Codbixiyaha oo ah Kaadhka lagu footaynayo oo ay in beesha caalamku dhaqaalaheeda bixiso oo u dhiibaan Komishanka Qaranka oo ilaa maanta aan waxba laga haynin ilaa iyo hadda oo doorashadii ay ka hadhay muddo dhawr bilood ahi.”
Mudane Waran-cadde waxa uu tilmaamay in qarankani dhaafay Xilliyadii la isu hanbaji jirey , waxana uu yidhi, “waynu dhaafnay wakhtigii qofku hanjabi jirey, waynu dhaafnay wakhtigii kooxo hanjabi jireen, waynu dhaafnay wakhtigii Qoysas hanjabi jireen, kuwa nabadgelyada Dabada ku dhegayana waxanu leenahahay ilaahay saxa ha idin tuso.”
Dhanka kalena Cali Waran-cadde waxa uu si dahsoon u sheegay in Dad dalkan fadqalalo geliya ay Somalia kiraysatay oo halkan joogaan, waxana uu shacabka ugu baaqay inaanay dhayalsan, waxana uu yidhi, “Somalia waxay dabada kasoo kaxaysa dad ku abtirsada Reer Somaliland, waxana ay usoo kasoo kiraysatay inay duudsiyaan xuquuqda dalkani u leeyahay Gooni isutaagiisa,, waxana aan jeclahay inaan idiin sheego inaydaan Diciifsanin in kuwo kale oo Halkan jooga in loosoo kiraysto fadqalalada iyo dibindaabyada dalkeena, Habeen iyo Maallinna u soo jeeda.