Akhriste maanta aynu ka nasano taxanahii aad iiga barateen oo aynu ku hakano qormadan tibaaxaysa dhaqamada wasiirka arrimaha gudaha Md.Warancade.
Waxa la yidhi (Waxaad garataa wax tunka shaash ku leh oo tagoogo orgi leh oo circa taar ku leh?).Waxa la yaab leh goorta uu wasiirka arrimaha gudahu Md.Waran-cade noqday wasiirkii hawlaha guud,maayorka caasimada iyo Gud.komishanka doorashooyinka!!!
Wasiir Waran-cade ayaa waxa la hadlay libaaxa uu guriga ku hayo,waxaanu ku yidhi:Wasiir ayaamahan ma tihid sidii hore ee maxaa soo kordhay? Waran-cade ayaa intuu qoslay yidhi: Shaashle,miyaanan kuu ekayn? Garoo jawaabtii isagoo garab maraya ayuu su’aal ugu jawaabay libaaxa! Libaaxii ayaa intuu guuxay yidhi:Tunka shaashka waad iiga egtahay!
Akhriste,Khudbadii uu wasiir Waran-cade media-yaha ka akhriyay waxay isugu jirtay hanjabaad,siigo isku qaris,hawlahii komishanka doorashooyinka oo uu isagu dhex dabaashay iyo dafiraad mutuxan oo uu leeyahay xukuumadu way diyaarisay waxii looga baahnaa ee khusaynayay doorashada.Hadaba ma waxaan idhaa Waran-cade: Cidaad u hanjabaysaa ma caga-baruurka guriga aad ku haysaa mise Siyaad Barre ayaa ka soo baxay xabaashii??? Goormaad se noqotay afhayeenka xukuumada! Wasiir Waran-cade waxa uu ku fashilmay hawlahii nabadaynta beelaha,nabadgelyada guud ee dalka iyo nabadgelyada gudaha markaa waxa uu ku jiraa nin daad qaaday xunbo cuskay.
Wasiir Warancade waxaan leeyahay: Waxa kuu egg inaad ka fadhiisato shaqada oo aad ka nasato inta aydaan libaaxa isku xanaaqin.Shacabku ma daalin ilaa ay aqoonsi helaan,mana aqbalayaan amar ku taalaynta iyo caga-juglaynta odayaashii ka soo hadhay Afweyne ee caga dhigo,dalku dastuur iyo shuruuc ayuu leeyahay ee bal sheeg sharciga ku haya.
Wasiir Waran-cadow waxaad qaadaysaa hees wal-waaleed ee waxan ku xasuusinayaa gabaygii adeerkaa Qaasim-AHN:
Dacartuba marbay malab dhaayoo ————-ood muudsataa dhabaqe
Midigtayda iyo bidixdaydu ————————–waa laba mataanoode
Midi waa martida soora——————————-iyo maatida daadihise
Midina waa mindiyo xiiraya————————iyo mur deebaaqe
Waxan ku soo afjarayaa Wasiir Waran-cade ogow hadhaagii Afweyne inaad idinku ugu danbaysaan,dalkana dhibaatada ka bixi doono dabadiin.
Xuseen Xasan Badmaax
Human Rights Secretary.
UCID, Hargeysa/JSL