Wasiir Warancade Oo Xawaaladaha Ku Amray Inaanay Lacag Siin Cidaan Sidan Card-Ka Dhalashada

0
22

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa kulan la yeeshay Xawaaladaha Lacagaha ee Somaliland, kuwaasi oo uu faray inaanay Lacag siin laga bilaabo 1-da bishan soo socota qof aan sida kaadhka dhalashada Somaliland ee dalka diwaangalintiisu wali ka socoto.

Wasiirka ayaa sheegay inay arrintaasi isla afgarteen Xawaaladaha sidoo kalena kaantaroolada lagu waydiin doono dadka “Waxaan bulshada u sheegayaa, Xawaaladahana aanu ku heshiinay inaan qof aan lahayn Kaadhka dhalashada wax lacag ah oo Xawaaladdaha laga siin karaa aanay jirin, markay gaadho bisha kowdeeda.” Ayuu yidhi Wasiirka oo saxaafadda la hadlay kadib kulanka xawaaladaha.

 WARANCADDE

Wasiir Cali Maxamed Warancadde, waxa kale oo uu walaac ka muujiyay Lacagaha telefoonka la iskugu diro ee Dollarka ah oo uu sheegay inay keenayaan sixir barar iyo in lagaba maarmay lacagta Shilinka Somaliland.

“Runtii waxaa jira arrimo badan oo Sixir barar keeni kara, oo in laga hor tago ay fiican tahay sida Saadka oo kale, oo ay muuqato in lacagtii Somaliland ba laga maarmay oo macaal qofkii Baska raacayay Lacagta iskaga bixinayo Saad ama Lambarka Lacagta laga dirayo, arrintaas oo aan runtii u arko inay dhaqaalaha wax yeelayso, haddii dhaqaaluhu wax noqdana ay nabad galyada wax yeelayso oo waajibkaasina na saaran yahay, sidaas awgeedna waanu ka wada hadalnay sidii looga fikiri lahaa in Lacagaha Saadka(Lacagta doolarka ah ee telefoonka la iskaga diro) looga dhigi lahaa Lacagta Shilin Somaliland ah” ayuu yidhi wasiirku.

Shirkaddaha isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom iyo Somtel ayaa bixiya adeegyada Zaad-ka iyo E-dahab oo bulshadu ku adeegsato telefoonadooda Lacag doolar ah, balse Baniga dhexe ayaa muddo sii horaysay sheegay inay isla afgarteen in Somaliland Shiling laga dhigay hase ahaatee arrintaasi ma noqon mid hirgashay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here