Wasiir Xaglo-toosiye Oo Shaaciyey Hankiisa Musharraxa Madaxweyne Xigeenka Ee Xisbiga KULMIYE

0
48

Hargeysa(Hubaal) – Wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweyne kuxigeenka xisbiga Kulmiye.

Munaasibadda ku dhawaaqistiisa musharaxnimo ayaa lagu qabtay Hotel Ambasador, waxaanu sheegay inuu yahay musharax u taagan Jagadaasi. Waxa uu codsaday in loogu hiiliyo jagadaasi, isagoo guushiisa ku sidkay midnimada Somaliland.

Wasiir Xaglotoosiye ayaa ku soo biiray hirdanka musharaxnimada xisbiga Kulmiye, waxaana hore loo ogaa in madaxweyne xigeenka Somaliland mar labaad u taagan yahay jagada madaxweyne xigeenka.xaglo22

Mudane Xaglotoosiye ayaa calafkiisa ka qaadi doona shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo loo qoondeeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha dambe, halkaasi oo lagu dooran doono musharaxa madaxweynenimo iyo kuxigeenka madaxweynaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here