Wasiir Xilka Ku Waayay Dagaal Iyo Dacwad Xafiiskiisa Ka Baxday Oo Sharaxay Halka Laga Raacay

0
30

“Agaasimaha I dacweeyay Oo Cadhaysan baa Xafiiskayga hor yimi askarigii xafiiska hor fadhiyayna wuu diiday inuu gudaha u gudbo dabadeed askarigii buu la dagaalamay…” Wasiirkii hore xidhiidhka goleyaasha

 

Hargeysa, Somaliland, (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Xidhiidhka goleyaasha iyo Teknoolajiyadda Aadan Axmed Warsame ayaa iska leexiyey eedihii war-saxaafadeedka xil ka qaadistiisa ku ladhnaa, taas oo ahayad inuu ka soo bixi waayey masuuliyadii loo igmaday, isla markaana cabasho badani ka soo gaadhay madaxweynaha.

wasiir xilkii ku waayay

Aadan Axmed Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil ka qaadistiisa iyo eedeentii daba taallay, waxaanu sheegay in masuul kasta oo wax qabanaya ay jiraan rag cabaqaddo ku haya oo ku xidhan madaxtooyadda taasina ay keentay in xilkiisa uu ku waayo.

Wasiirkii hore ee xidhiidhka Goleyaasha Aadan Warsame oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Madaxwaynuhu waa masuulkii qaranka, wuu ku mahadsan yahay xilka uu ii dhiibay, xilka qaadistuna waa hawl uu isagu awood dastuuri ah u leeyahay, mana diidani in uu xilka iga qaado, oo waan soo dhawaynayaa, balse waxa aan ka biyo diiday oo aan gabi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamayaa sababaha uu u cuskaday xil ka qaadistayda,”.

Wasiirkii hore waxa uu sheegay in haddii ay cabashadaasi jirto inay ahayd inuu wax ka waydiiyo oo si cadaaladda labada dhinacba isku miisaamo, waxaanu yidhi “Madaxwaynaha xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeyay, hadii ay cabasho iga dhan ahi u timid waxa ay ahayd si ay u sugnaato cadaalada arinta uu ka gar naqayaa, in uu anigana ii yeedho oo wax iga waydiiyo, mase qaadin talaabadaas,iima yeedhin, waxna igama waydiin waxa la igaga cabanayo, waxa uu ku go’aan qaatay hal dhinac, gabi ahaana cabashooyinkaas iga dhanka ahaa ee uu Madaxwaynuhu dhagaystay waa kuwo la buun buuniyay oo xaqiiqda ka fog, sidoo kalena aan sal iyo raad midna lahayn”

Isagoo sharaxaya sababta dagaalka la wariyay inuu ka dhacay Wasaaradiisu u dhacay iyo waxyaalaha uu u malaynayo in xilka looga qaaday waxa uu yidhi “Marka aan ka xog waramo sida ay wax u dheceen waxa ay ahayd in Agaasimaha Guud ee Wasaarada aan masuulka ka ahaa ee maalintaas ku dacwooday inuu na dhex maray gacan-ka-hadalku uu isaga oo cadhaysan, fidno iyo dagaalna la socda uu xafiiskayga isa soo hor taagay, markii askarigii xafiiska hor fadhiyay uu diiday inuu gudaha Xafiiskayga u gudbana uu isla askarigii la dagaalamay, oo nabaro gaadhsiiyay, taasi waa marag ma doon, waxana ay dhakhaatiirtu cadaysay in askarigii uu la dagaalamay ninka Agaasimaha ah ee fidnada waday uu ilkaha wax ka qabo, waana joogaa askarigii, oo waad waraysan kartaa, mana jirin maalintaasi wax na dhex maray aniga iyo Agaasimaha dacwada beenta ah nagu soo oogay, marka laga reebo in aan anigu hore shaqo joogin ugu sameeyay kadib markii aan arkay in xilka iyo masuuliyada Wasaarada ee isagu uu u xilsaarnaa uu ku fashilmay, khilaafna uu na dhex maray, Madaxtooyaduna aanay isku dayin inay na dhex gasho oo ay khilaafkaasi dhamayso”.

Mar kale isagoo ka hadlaya arimaha lagu eedeeyay waxaa uu yidhi. “Dulucdu waxa ay tahay in gudashada xilka qaran ee la ii igmaday aan si wanaagsan oo itaalkayga iyo garashadayda ku siman aan u gutay mudadii aan xilka hayay, balse ay jiraan caqabado badan oo is biirsaday oo ku gadaaman nin kasta oo masuulka ah, kuwaas oo marwalba raba inay fashiliyaan gudashada waajibka qaran ee masuulka, sidoo kalena waxa aan ka marag kacayaa in shaqsiyaadka ay shaqada qaran ka dhaqaaqi la’dahay ay yihiin kuwo ku xididaystay laamaha dawliga ah, isla markaana hadimooyinka iyo hagardaamada is huwan ee ay habeen iyo maalin ka shaqaynayaan ay jiraan dad badan oo masuuliyiin ah oo dhagaha u raariciya, iyo kuwo kale oo intan ka badan oo bulshadu u taqaan xilsidayaal, balse tumaya durbaano qabyaaladeed oo qarankan aan dan u ahayn, dulucdooduna ay tahay inay u ololeeyaan xil ka qaadista masuulka garashada dheer ee xilkiisa gudanaya”.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha iyo Tikrnoolijiyadda Aadan Warsame ayaa saddex maalmood ka hor madaxweynuhu xilka ka qaaday, isla markaana noqday masuulkii ugu horeeyey ee xil ka qaadistiisa la sababeeyey, taas oo lagu eedeeyey cabasho badan oo xafiiskiisa ka soo gaadhay madaxweynaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here