Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan: Hoggaamiye Horseed U Ah Aqoonyahanka Dhallinyarada Ee Somaliland.‏‏

0
91

proff khadarHaddii la eego golaha wasiirrada Somaliland waxa ku jira aqoonyahanno da’yar oo ay ka mid yihiin: Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada, Md Cali Xaamud Jibriil Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Tiknoolajiyadda iyo Cilmi-baadhista iyo Md Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan Wasiir ku-xigeenka Kalluumaysiga. Waa mahad Eebbe haddii ay barbaartu qaadatay saamigeedii wasiirrada, iyada oo ay intaas dheer yihiin Agaasimeyaal guud iyo maareyayaal oo ay ka mid yihiin:

Wasaaradda Duulista Hawada,

Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Wasaaradda Hawlaha Guud

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhallinyarada

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada

Maareeye ku-xigeenka Wakaallada Biyaha Hargeysa

Maareeye ku-xigeenka Haayadda Korontada Somaliland iyo kuwo kale.

Qormadan waxa aan ku faaqidayaa mid ka mid ah da’yarta guusha ka gaadhay siyaasadda iyo halganka hoggaamineed ee qaranka waa Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland. Waxa aan odhan karaa waxa uu tusaale ifaya u yahay dhallinyarada leh yoolka siyaasiga ah, higsiga waxbarashada iyo in ay noqdaan samatareyaal u adeega ummaddooda, dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba.

Waa halgame aan hadhsan iyo halyey aan hagran bulshada haddii ay dhallinyar, oday, haween, culimo, ganacsato, abwaanno, macallimiin iyo suldaanba tahay. Kartiyaha uu Alle siiyay waxa ka mid ah awoodaha uu kula xidhiidhayo qaybaha bulshada iyo xusuus dheer oo sahlaysa in aanu illaawin wacadka uu la galo qof, qoys iyo qaran intaba.

Maalmihii u dambeeyay waxa uu kulammo soo-dhaweyn ah la yeeshay ardaydii ka qalin-jebisay Jaamacadaha Camuud, Golis iyo Admas oo Hargeysa iyo Boorama ku kula yaalla. Muhiimaddu ma aha in cunto caloosha la geliyo, waa in ay is-bartaan madaxda qaranka iyo dhallinyarada aqoonyahanka ah oo ah ubaxa uu qaranku ku faanayo. Ta kale ee mahuraanka ahi waa in la is-weydaarsado xog iyo sidii si wadajir la isaga kaashan lahaa horumarinta qaranka, weliba waxa uu nuxurku yahay sidii looga fekeri lahaa in la sameeyo qorshe ay shaqo u qalanta ku bilaabi lahaayeen kumannaanka arday ee ku aflaxay ciiddooda hooyo.

Waxyaabaha u waaweyn ee Wasiir Xirsi lagu xasuusan doono mar walba waxa ka mid ah

1. Waddooyinka Somaliland oo uu u furay cadceed iyo caqli cusub

2. Doorkii uu ka qaatay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

3. Dejinta shaqaaqoyinka dhinaca amniga ah sida kuwii Kalshaale iyo heshiiskii lala galay SSC

4. Fidinta maamulka Somaliland, wefdigii u horreeyay ee gaadha Gobolka Xaysimo waxa hormood u ahaa Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan

5. Maaraynta khilaafyadii u dhexeeyay Golaha Wakiillada xilligii uu Guddoomiye Cirro isku shaandhaynta sameeyay sannadkii hore ee 2013ka

6. Dejinta Khilaafkii Xisbiga KULMIYE oo aloosmay xilli uu dalka dibaddiisa ku maqnaa

7. Doorkii uu ka qaatay in la af-jaro doodda qaran oo ahayd bambo lagu dhex tuuray Axsaabta iyo Xukuumadda Somaliland

8. Waxa uu si xilkasnimo leh u dejiyay xiisad ka aloosnayd Tiyaatarka Hargeysa oo ay rag dan lihi u saxeexeen Salaaddiin iyo Xildhibaanno. Iyaga oo rabay in la abuuro xiisad u dhexaysa beelaha walaalaha ah ee Sallaxley iyo Oodweyne. Xilliga ay hawshani dhacday waxa uu Wasiir Xirsi ku maqnaa dalka Ingiriiska.

9. Waxa uu si daacad ah ula shaqeeyaa Madaxweynaha Somaliland, taasina waxa ay keentay in uu ku helo kalsooni iyo aamminaad badan.

10. Wasiir Xirsi waxa uu udub-dhexaad u yahay Naadiyada ka shaqeeya Qoraalka, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta. Waxa marag u ah sida uu uga qayb-qaato hawlaha ay Naadiga SOMALI PEN ka fulinayaan Hargeysa iyo daabacaadda buugaag uu kow yahay SAMO-TALIS: Sooyaalka Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo loo aqoonsaday buuggii ugu fiicnaa ee la qoro sannadkii 2013ka.

11. Waxa uu mar walba u heellan yahay in bulshada Somaliland ku wada noolaato walaalnimo, nabad, sinnaan, qabyaalad iyo balwad la’aan. Waxa uu aamminsan yahay in aanu qaranku ku socon karin beelayn, gobolayn, cid jeclaysi iyo aargoosi midnaba.

12. Waa ninka ugu dulqaadka badan Golaha Wasiirrada, marka loo eego deelqaafka lagula kaco iyo degennaanta uu ku cafiyo cidda ku qaldanta.

Aniga oo aan jeclayn in aan hadalka sii badiyo waxa aan leeyahay “Haddii aynu heli lahayn Toban Xirsi, malaha beri hore ayaynu la tartami lahayn dawladaha deriska iyo dunidaba. Alle ha inaga dhigo kuwii arka wanaagga dadka kale. Qof walba waxa ku filan in uu eego dhaliisha naftiisa. Malaha sidaas ayaynu meel ku gaadhi karnaa”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here