Wasiir Xirsi Oo Dejinaya Qorshe Inqilaab Ah Oo Uu Dalka Ku Qabsado

0
36

Waxa xukuumadda Siilaanyo ka mid ah, oo Wasiiradiisa ku jira shaqsiyaad dhaawac weyn ku hayaa Qaranimada dalka, kuwaas oo leh dan gaar ah isla markana madaxa iskula dhaca dadka walaalaha ah ee reer Somaliland. Haddaba, Wasiir Xirsi waxa uu ka mid yahay khaayimiinta ku dhex jira Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana Xirsi neceb Bulshada beesha bariga Burco oo uu kasoo jeedo, Waxayna uu yaqanaan Xirsi nin wata mabda’ Diineed, oo xidhiidh la leh, kooxo Diimeedyada Soomaaliya.

Dadka indha indheeya siyaasada somaliland ayaa waxa ay sheegaan in xirsi cali xaaji xasan uu doonayo in uu dalka ku qabsado inqilaab milatari kadib markii ay ka yaabeen sida uu hore ugu soo fadhiyo iyaga oo arkay isaga oo doonaya in uu maamulo wasiiro taytal ahaan ka awood badan sidoo kale-na aad moodo in xukumada uu katirsanayahay dhaleecaynteedu ay kaligii dhibto islamarkaasna lagu arko warbaahinta isga oo gucanaya hadalada waanada ah ee ay soo jeediyaan odayaasha dalkan lexjeclada ka qaba.

Wasiirka madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan ayaa kulamo laqaata saraakiisha sarsare ee dalka si uu uga midho dhaliyo himiladiisa inqilaab iyo in uu mar uun madaxwayne ka noqda dalka.

Waxa la ogyahay in khilaaf wayn ka dhex taagan-yahay xisbiga talada dalka haya ee kulmiye, dirawalka khilaafkaasina wax ka kow ah wasiir xirsi isaga oo doonaya in uu khilaaf dhex dhigo meelkasta oo wanaaga dalku ku jiro isla markaana sii dheeraysanaya inta ka hadhay qorshihiisa inqilaab.

Waxaynu ognahay in modo haatan laga joogo sannaad uu madaxa iskugu dhuftay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwyanaha iyo C/casiis Maxamed Samaale oo isku dhinaca ah. khilaaf kaas oo sabaabay khasaare aad u badan taaso oo sababtay in guryo la galo goor Habeenim ah iyo in Wadanku galo khalkhal amni.

Hadaba wakhti xaadirkan wasiir xirsi waxa uu isku garaacayaa masuuliyiinta ugu tunka wayn xisbiga kulmiye iyo rag xaga dambe kasoo galay waxa uu midiyaha iskugu lisay wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Bixi Yoonis iyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Wasiir Xirsi waxa uu dhabarka ka hagayaa Wasiir Maxamaed Biixi isaga oo galinaya riyo khayaali ah, oo uu ku leeyahay adiga ayey ku ayid-san-tahay Beesha Sacad Muuse…la soco…

 W/Q: Qaasim Abokor

Qaasim4422@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here