Gudaha Ka Akhri Kulan Wasiir Xirsi La Yeeshay Weriyeyaal Sooc Ah
Shirqool Loo Maleegay Warbaahinta Somaliland Oo Habeen Hore Ka Qabsoomay Hargeysa +Dagaal Dhinaca Qalinka Ah Oo Kulankani Ku Baaqay In Lagu Qaado Siyaasiyiin Uu Wasiirku Weedhahooda Dhibsaday
Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Habeen Hore Kulan Qarsoodi ah Guri uu Magaalada Hargeysa ku leeyahay kula qaatay Weriyayaal beeshiisa kasoo jeeda, waxana kulankaas uu kusoo bandhigay Hankiisa siyaasadeed iyo Sidii ay u taageeri lahaayeen.
Kulankan oo Si weyn loo qarinayey, ayaa sida Wargeyska Hubaal ku Helay Xogo u dhuun daloola, waxa uu Wasiirku xubnahaas u akhriyey warbixin dheer oo uu ku sharraxayo Hankiisa Siyaasadeed iyo Dedaalka uu ugu jiro inuu guul ka gaadho Rabitaankiisa la xidhiidha inuu Guddoomiye ka noqdo Xisbiga Kulmiye.
Wariyayaashan uu Wasiirku la Kulmay, ayaa kasoo jeeda Jilibka Hoose ee Wasiir Xirsi, waxana uu Wasiirku ugu ku dheeraaday dagaal uu sheegay inuu kaga imanayo Wariyayaal iyo siyaasiyiin taageersan Ragga sidiisa oo kale hungurigu ka hayo Hoggaaminta Xisbiga Kulmiye oo tiradoodu soo badanayso.
Xogaha aanu Hayno, ayaa sheegaya in Maqaallo iyo warbixinno lagu weeraro Shakhsiyaad ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Waliba Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu u arko caqabadda ugu weyn ee Haatan hortaagan hankiisa Siyaasadeed.
Sida Xogaha uu kulankaas Wargeyska Hubaal ka helay ayaa sheegaya inuu Wasiirku sidoo kale codsaday in Qoraallo lagu weeraro Wariyayaal qaarkood Beeshiisa kasoo jeedaan, kuwaas oo uu tilmaamay inay la safan yihiin Xubnaha ay siyaasadda isku hayaan, waxana Xubnihii Kulanka kasoo qaybgalay ballan qaadeen inay diyaar u yihiin inay af iyo Addinba ku taageeraan Soo Jeedimaha Wasiirka.
Waxa uu Wasiirku Halkaas ku ballan qaaday inuu Jeebkiisa ka bixin doono Wax kasta oo looga baahdo si warbaahinta loogu weeraro siyaasiyiinta iyo Shakhsiyaadka uu Cadowga u arko, waxana uu intaas ku daray inuu Wariyayaashaas qaarkood u furi doono Hay’ado Warbaahineed oo ay iskood u yeeshaan si Dagaalkoodu Macno u sameeyo.
Weriyayaasha uu Wasiirku ka cawday, isla-markaana dagaalka la qaadayo lagu horraysiiyo, ayaa waxa kamid ah Weriye caan ah oo saldhigiisu yahay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, kaasi oo la weriyey in wasiirku sheegay inuu inuu u arko Cadow halis ku ah gaadhitaanka Hankiisa siyaasadeed.
Wasiir Xirsi, ayaa waxa uu ku adkeeyey Wariyayaashii Kulankaas kasoo qaybgalay inay si joogto ah Maqaallo iyo warar liddi ah ka qoraan, isla-markaana dhinaca kale ay qoraan Warar lagu ibo furayo rabitaanka wasiirka, iyadoo awoodda la saarayo Waxyaabihii uu Wasiirku soo qabtay Muddadii uu Xukuumadda Katirsanaa.
Waxyaabaha kale ee uu Wasiirku Wariyayaashan ay isku beesha hoose yihiin kala hadlay, ayaa waxa kamid ah in Sidoo kale la diyaariyo Warar ka dhan ah Ganacsato uu sheegay inay hortaagan yihiin Hankiisa,
Weriyayaashan oo dhammaantood kasoo jeeda Qoyska Hoose ee Wasiirka, ayaa ballamo ka farxiyey u qaaday Wasiirka, waxana Wasiir Xirsi laftiisu uu codsaday in ladqabo laga galo Weriyayaal kale oo isla beesha ah, kuwaas oo uu sheegay in baahi loo qabo sidii loola midoobi lahaa.
Wasiir Xirsi, ayaa tan iyo intii ay dibadda usoo baxday inuu ku jiro Siyaasiyiinta Doonaya inay Ka dhex tartamaan Shirweynaha dhawaan uu yeelanayo Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu ku hawllanaa Kulamo qarsoodi ah oo intooda Badan uu hoggaanka Beeshiisa la qaatay, waxana kulankan ugu dambeeyey loo arkaa mid uu rabay inuu ku ballaadhiyo Dagaalka dhinaca Warbaahinta ah, maadaama ay indhihiisa ka bateen qoraallo isaga liddi ku ah oo Soo badanayaa.