Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Hanjabaad Iyo Tir-Tirsi Hawada U Mariyey Dadka Ka Soo Horjeeda Saldhigga Imaaraadka

0
42

“Waxaan leeyahay Hadday Dawladdu Qadaadkaa ku soo qaban-waydo oo ay Gudaha ku dhigi wayday ka waantooba waxaas oo Lafahiina u tudha…..” Wasiir ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali-gadh-dheer

Maxamuud Xaashi

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa difaacay Saldhig Milletari oo Dawladda Imaaraadka Carabtu ku yeelato Somaliland, waxaanu beeniyey in Saldhiggaasi ay wax lug ah ku leedahay Dawladda Masar, taasi beddelkeedana aanay jirin sabab loo yidhaahdo ‘Itoobiya ayaa ka xumaanaysa’.

Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa sidaa sheegay mar doraad isaga iyo Wefti uu ka mid yahay Guddoomiyaha KULMIYE ka dhoofayeen Madaarka Diyaaradaha Hargeysa iyagoo u safray Dalka Itoobiya oo la sheegay inay kala soo hadlayaan in Saldhigga Milletari ee Imaaraadku ka samaysanayo Berbera aanu wax dhibaato ah ku lahayn Amnigooda.

Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Madaarka Diyaaradaha Hargeysa, ayaa yidhi, “Waxaanu beeninayaa in dalka Masar wax saameyn ah iyo wax raad ah iyo wax lug ah in saldhiga milateri ee berbera kuma laha, dawladda Imaaraadka difaac wadaag ah malaha, dunida laga soo heli maayo hal meel oo askari Masri ah iyo askari imaaraati ah ay ka wada hawl galaan. Xitaa dagaalka Yamaneed kuma wada jiraan, heshiisyadanaya waxa ku cad in aan dawlad kale garoonkaa isticimaali karaynin, markaa dad col ah meesha isu keeni mayno, mandaqadda dab sudhi mayno ee nabadda, horumar iyo iskaashi ayeynu abuuraynaa, dawladda itoobiya walaalo ayeynu nahay, saaxiib-na waynu nahay, saaxiibo guun ah ayenu nahay, saaxiibtimadeenu way sii waynaanaysaa, dawladda imaaraadka haddaynu saldhiggaa siino oo ay yimaaddaan ka bi’i mayso kama xumaan mayso, waana laba dal oo saaxiib ah, xog-ogaala yaanu u nahay, waar cidi noogama xogogaal sana umadda oo xukuumaddeedii ayaanu ahay. Ragga halkaa ka hadlaya ee leh Itoobiyaa ka xumaanaysa, Masar ayaa ku jirta waar wax ay ogyihiin ma jirto. Qofku wax aanu ogayn kama waramo, haduu ka warama waa ceeb, waa nusqaan jahliga ayey ka mid tahay.”

Sidoo kale, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha JSL Cali Maxamed Cilmi, ayaa hanjabaad Warbaahinta u mariyey Siyaasiyiinta ka soo horjeeda in Imaaraadku Saldhig Ciidan ku yeesho Magaalada Berbera.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannnaada Xoolaha Somaliland, oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa yidhi, “Dawladdu waxay leedahay Saddex Sifo oo aanay Cidna ku haysan, Dawladi inay Hanjabto Dawlad-baa iska leh, inay hub qaadato Dawlad-baa iska leh, Dawlad-baa iska leh inay Xabsi Ciddii ay doonto ku xidho. Laakiin Qof Shicib ah oo Dawladda u hanjabaya Dalkeenna Mooyaane Caalamka laguma arag, waxaan leeyahay Hadday Dawladdu Qadaadkaa ku soo qaban-waydo oo ay Gudaha ku dhigi wayday, ama kuu hanjabi wayday ka waantooba waxaas oo Lafahiina u tudha, Saldhigga Imaaraadkuna maaha wax Dawladdu la dhuumanayso ee marka Xilligiisa ay gaadho hay’adaha Sharciga ayaa ka doodaya.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here