“Wasiirradu waxa ay noqon doonaan qaar dalka u siman, ama qaar marba ninka ay madaxweynaha ilmaadeerka yihiin sida uu doono ugu takri falo”.
,“Ninkaa(agaasimihiisa guud) dadku waxay leeyihiin reernimuu isku hallaynayaa oo nin aaminsan in la kala sarreeyo oo aan anigu wasiir ahay ma aha, wuxuuna ii arkaa nin ajaanib ah sida SNM-tu tidhaahdo oo aan wasaaradda xukumin, taas oo kalena waxa sameeyey Maareeyaha Berberba, waxa sameeyey Maayarka Berbera, oo mid waliba amarkaygii iyo wasaaraddaydii diiday”.Wasiir Baashe Cali Jaamac.
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa markii ugu horraysay faahfaahiin ka bixiyey sababta keentay inuu shaqada ka joojiyo agaasimihii guud ee wasaaraddiisa, isla-markaana uu hawl-wadeen cusub u igmado shaqadii uu wasaaradda ka qaban jirey.
Shir jaraa’id oo uu wasiir Baashe maalintii shalay ku qabtay xarunta wasaaradda, ayuu si mug leh ugu sharraxay caqabo iyo dhabar-jab uu agaasimaha guud ku noqday shaqadii wasaaradda, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu qaadan waayey amarradii uu wasiir ahaan wasaaradda ku maamulayey.
Waxa uu wasiirku sheegay inay agaasimaha guud muddo sanad ka yar wada joogeen, isla-markaana uu khilaafkoodu intaasba soo taxnaa, “Agaasimaha guud muddo 18-bilood ah baanu wada-shaqaynaynay, muddadaasna khilaafkaasi wuu taagnaa, agaasimayaasha wasaaradda iyo madaxda wasaaradduna way ka war hayaan, mar walbana wixii lagu heshiiyo isagaa ka baxayey” ayuu yidhi wasiir Baashe Cali Jaamac.
Wasiir Baashe waxa uu mid mid u taa-taabtay jallaafooyin uu agaasimaha guud ee shaqada laga joojiyey la damacsan yahay habsami-u-socodka shaqada, kuwaas oo aakhirkii keenay uu shaqadiisii cid kale u igmado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Kama dambaystii wuxuu gaadhay aniga oo ku maqnaa diiwaangelintii iyo arrimihii bariga inuu rido Budget-kii, waxana jirey riig madaxweynuhu dhagax dhigay oo Budget-ka wasaaradda ku jirey deegaanka Cali Ciise, waxana uu ninkii qandaraaslaha ahaa ku yidhi waxan doonayaa inaan Budget-ka rido, isaga oo aan iga fasax qaadanin, ayuu Nairobi tegay, iyada oo shaqo badani wasaaradda u taallo, cidna aan xilkii kaga tegin, waxan ay taasi keentay in ceelashii istaagaan, dabadeedna waxa ay noqotay inaan si ku-meel-gaadh ah xilkii uga joojiyo inta madaxweynuhu cid usoo magacaabanayo, waxana aanu sii magacaabanay ninka mid ah madaxdii wasaaradda si aanay hawshii u istaagin”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiir Baashe tilmaamay in agaasimaha af-duub ku qabsaday shaqadii wasaaradda, isla-markaana uu goobo wasaaradda ka baxsan shirar kula galay hay’adihii ay wada-shaqaynta lahaayeen,“Hay’ado ayuu iska doontay, waxana uu bilaabay inuu ka ugaadhsado Hudheellada oo aanu xafiiska usoo shaqo tegin oo uu doonayo inuu gaalkii yimaadda iyo hay’addii timaaddaba keligii la macaamilo, waxana u gaadhay waxkasta oo aan loo dulqaadan Karin” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu wasiir Baashe hoosta ka xarriiqay inuu agaasimaha guud ee uu shaqada ka joojiyey ku tilmaamay nin reernimo garabka saaray, waxana uu tusaale usoo qaatay maamulka gobolka Saaxil oo ay dhawaan isku dhaceen, kuwaas oo uu xusay inay qabyaalad darteed isku hortaageen wareegtooyin uu soo saaray, waxana uu yidhi,“Ninkaa markii aanu si walba ula hadalnay dadku waxay leeyihiin reernimuu isku hallaynayaa oo nin aaminsan in la kala sarreeyo oo aan anigu wasiir ahay ma aha, wuxuuna ii arkaa nin ajaanib ah sida SNM-tu tidhaahdo oo aan wasaaradda xukumin, taas oo kalena waxa sameeyey Maareeyaha Berberba, waxa sameeyey Maayarka Berbera, oo mid waliba amarkaygii iyo wasaaraddaydii diiday”.
Isaga oo ka hadlaya awoodaha dhinaca reeraha ah ee masuuliyiinta qaarkood cuskadaan, ayaa waxa uu yidhi,“ama wasiirradu waxa ay noqon doonaan qaar dalka u siman ama waxa ay noqon doonaan in marba ninka ay madaxweynaha ilmaadeerka yihiin sida uu doono ugu takri falo”.
Wasiir Baashe Cali Jaamac isaga oo ka hadlaya guuldarrada ka dhalatay wax ka qabashada wareegtooyinkiisii la hor istaagay waxa uu sheegay inuu wasiirka arrimaha dibadda oo ay isku deegaan kasoo jeedaan u diiday inuu arrinta Wakaaladda biyaha ee Berbera farogeliyo,“wasiirka arrimaha gudaha anigaa ku idhi ha farogelinine iska daa iyagu ha kala qaataane laba iyaga ah uunbaa la isku beddelaye, mar haddii aanay dawladnimo jirin oo cidi kala amar qaadanaynin oo ay kollay reerahooda ah ama wasiirro ah isku hallaynayaan” ayuu yidhi Baashe Cali Jaamac.