Boqor Raabi Oo Muddo Bil Ku Dhaw Jeelka Hargeysa Ku Jira Iyo Xadhigiisa Oo Lagu Xidhiidhiyey Wasiirka
Hargaysa (Hubaal)-Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Somaliland, Md. Maxamed Muuse Abees ayaa la sheegay inuu hor joogsaday dedaallo ay bulshada Somaliland doonayaan in Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi xorriyadiisii dib loogu soo celiyo. Wasiir Abees oo ay isku jufo kasoo jeedaan boqor Raabi ayaa la weriyey in uu ka danbeeyay Xadhigiisa kaas oo in ku dhaw Bil ku xidhan Magaaladda Hargaysa,iyada oo aan wax Maxkamad ah lasoo taagin danbina aan lagu soo oogin.
Warar lagu Kalsoon yahay oo ay Heshay Shabakadda Wararka ee Oodweynenews, oo aanu warkan kasoo xiganay ayaa sheegaya in Xadhigga Boqor uu hore wasiirku u amray kadib markii uu boqorku kasoo hor jeedaday Qorshe ay Xukuumaddu ku doonayso inay Seero kaga samayso Banka Qool-cadey ee Deegaanka Sallaxley.
Waxa jiray isku dayo badan oo ay dad Labbeenta Umadda ahi isku dayeen inay Damaanad Boqor ku sii dayaan, balse waxa la sheegay inuu arrintaas si cad u hor-istaagay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyaddu,taas oo si weyn uga cadhaysiisay dad iskugu jira Madax dhaqameed,Wax-garad iyo Ganacsato kasoo jeeda Beesha Barriga iyo Koonfurta Magaaladda Hargaysa.
Dhinaca kalena, Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland,Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir, ayaa dhawr jeer Xukuumadda usoo jeediyay inay xoriyadiisa dib-ugu-soo celiso Boqorka,balse Xukuumadda ayaa si toos uga dhego-adaygtay.