Wasiir Xukuumadda Ka tirsan Oo Wasaaraddiisa Ku Sifeeyey Bakhaar Uu Leeyahay, Shaacana Ka Qaaday Inuu Kirada Guriga & Agabkaba Jeebkiisa Ka Bixiyey

0
34

Wasiir Khadar Xaaji Oo Golaha Wakiillada Hortooda Kaga Tiraabay Hadallo Su’aal Geliyey Jiritaanka Hay’adaha Dawliga ah, Cadowgana u Loogay Siro Qarsoon Oo Qaranku Leeyahay

“Anigaa wasaaradda guri u kireeyey oo qalabeeyey oo haykalkii wasaaradeed oo dhan sameeyey, iyada oo aanay wax dhaqaale ahi dawladda iga soo gaadhin, ….”Khadar Xaaji

wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Md. Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa hannaan ku cusub dawladnimada uga warbixiyey wasaaradda cusub ee dhawaan loo magacaabay, waxana uu wasaarada uu masuulka ka yahay ka dhigay sidii bakhaar uu isagu leeyahay oo kale.

Wasiir Khadar oo kamid ahaa kooxo wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo madax kale ka koobnaa oo golaha wakiilladu shalay ansixiyeen, ayaa si adag uga dayriyey wasaaradda uu masuulka ka yahay, waxana uu tilmaamay in gegi bannaan oo wasaarad loogu sheegay loo dhiibay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “wasaaraddaydu meel loogu soo hagaago may lahayn oo wasaarad cusub oo la isku kab-kabay bay ahayd, aniguna qof keligii meel taagan oo la yidhi wasiir noqo oo wax dhaqaale ah oo uu ku hawlgeliyaan aanay jirin oo la yidhi wasiir baad tahay oo meel uu wax ka bilaabo aan loo sheegin  baan ahay.”

Warbixinta wasiirka oo u muuqatay mid ku qotontay sawir uu wasaaradda kaga dhigay Bakhaar uu leeyahay, ayuu ku sheegay in dhammaanba agabka wasaaradda lagu qalabeeyey uu jeebkiisa ka bixiyey oo aanu wax budhjet ah ka helin xukuumadda, isla markaana uu qaab-dhismeedka wasaaraddana isagu gacantiisa ku allifay, “Anigu maan sugin intii lacag la I siin lahaa ee aan guri ku kirayn lahaaye anigaa wasaaradda guri u kireeyey oo qalabeeyey oo haykalkii wasaaradeed oo dhan sameeyey, iyada oo aanay wax dhaqaale ahi dawladda iga soo gaadhin, waxana dhinac socotay inaan dhiso qaab-dhismeedkii wasaaradda oo shan ahayd,” ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji Yuusuf.

Wasiir Khadar Xaaji waxa uu si adag u dhaliilay maamulkii ka horreeyey hannaankii ay uga shaqayn jireen waaxda Dalxiiska oo haatan wasaaraddiisa raacday, isaga oo tilmaamay inay ahayd waax ay shisheeye gacanta ku hayaan oo aan qaranka wax dakhli ah usoo xeraynin, waxana uu yidhi, “Qaybtii hore ee dalxiiska  oo ay shirkaddo gaar ahi gacanta ku hayeen oo aanay gacanta dawladdaba ku jirin oo xataa E-mailku aanu gacanta dawladda ku jirin oo cashuurta kasoo baxdaa 10% ku dhici jirtey gacanta dawladda, ayaa kamid ahaa waxyaabihii fawdada ahaa ee aanu hagaajinay.”

Mudaneyaashii goobta u  joogay ansixinta wasiirkan oo u muuqday qaar aan ku baraarugsanayn khudbadda wasiirka, maadaama oo uu jirey buuq badan iyo sawaxan dhexdooda ka jiray awgeed, Ayaan wax su’aal ah ka keenin hannaanka cusub ee uu wasiirku  uga warbixiyey wasaaradda uu masuulka ka yahay, waxana ay cod aqlabiyad ah ugu ansixiyeen inuu si rasmi ah golaha wasiirrada uga mid noqdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here