Wasiir Yuusuf Cismaan Garas Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika Oo Aabihii Ku Geeriyooday Hargeysa
Wasiiru dawlaha wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Yuusuf Cismaan Garas isaga oo ku hadlaya magaciisa kan wasaaradda macdanta iyo ka guud ahaanba shaqaale weynaha wasaaraddaas waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh U Dirayaa Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa-bannaan Ee GEESKA AFRICA Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), Isaga oo uga Tacsiyaynaya Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timid Aabihii Marxuum XUSEEN JAAMAC GUULEED oo maanta Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa
Inaa-Lilaahi-Wa-Inaa-ilayhi-RaajicuuN
Waxaana aanu Allah Uga Baryaynaa Inuu Janatul-Fardawsa Ka Waraabiyo Samir iyo Iimaan Saadiqana ka Siiyo Ehliyadii,Qaraabadii iyo Qoyskii uu Marxuumku ka Baxayba
Amiiiiin Amiiiin Amiiiin
Wasiiru dawlaha wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland
Yuusuf Cismaan Garas