Wasiiradda Madaxtooyadda iyo Arrimaha Gudaha Oo Safar kadis ah ugu baxay Borama

0
27

Hargeysa(Hubaal) Wasiiradda Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan iyo Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa saaka safar kadis ugu baxay magaaladda Borama, safarkaas oo aan wali la sheegin ujeedadiisa.

laba wasiirSafarka labada Wasiir ayaa la filayaa inuu la xidhiidho sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin cabashadii Reer Awdal, shirkii Aw-barre iyo xalinta dilkii Askarigii Reer Borama ee Qorulugud.

Wasiiradda ayaa gaadhay Borama waxaanay kulamo la leeyihiin Wasiiro dhawr ah oo Gobolka hore usii joogay, kuwaas oo warbixin ka siinaya waxa uga qabsoomay mudadii ay gobolka ku sugnaayeen, iyagoo talo ka siin doona qaabka wax looga qaban karo arrimaha Gobolka ka taagan.

Wasiir Xirsi, Warancade iyo wasiiradda kale ee Gobolka ayaa la filayaa inay isla galabta ama caawa kulamo la yeelan doonaan madax dhaqameedka Gobolka Awdal.

Safarka labada wasiir waxa ku wehelinaya wasiiru dawlaha wasaaradda Maaliyadda Cadaani iyo Taliyaha Booliiska Somaliland C/laahi Fadal.

Weftiga ayaa ka sii qudbadeeyey Degmadda Dilla, halkaas oo uu ka soo jeeday sarkaalkii lagu Dilay Qorulugud.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here