Hargeisa-(Hubaal)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waracade iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman oo wata Ciidamo RRU-ah iyo Gaadiidkooda ayaa gaadhay magaalad Berbera shalay gelinkii danbe halkaas oo ay ka aloosantay xiisad ama Shaqaaqo muddo socotay & murano soo noqnoqday oo ka dhex oogan shirkada Deero iyo Ganacsato ku shuraakoobay Maxjar cusub oo dhismihiisu socdo.
Shalay ayey koox hubaysani la beegsatey weerar gaadmo ah oo khasaare maaliyadeedna gaadhsiisy maxjarka Cusub.Kooxdan oo ku hubaysnayd Midiyo,Faashashyo iyo Bakoorado ayaa la sheegay in laga soo abaabulay maxajrka Deero oo aan sidaas uga fogeyn.
Shirkada Deero iyo ganacsatadan maxjarka cusub hirgelinaysa ayaa waxaa ka dhexeeya muran dhuleed iyo weliba muran Ganacsi ka dib markii ganacsatadaas oo isticmaali jiray Maxjarka Deero iyo dadkay wakiilka u ahaayeenba iskaga wareegeen oo mid cusub samaysteen taas oo maamulka shirkada Deero si weyn uga cadhoodey.Geesta kalena waxaa jira xoggo sheegaya in dacwad labada dhinac ka dhaxaysa Maxkamada gashay.