Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka I’raan oo u jawaabtay Netanyahu iyo Obama

0
27

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka I’raan oo u jawaabtay Netanyahu iyo Obama

Dowladda Iraan ayaa ku tilmaamtay khudbadii Netanyahu kasoo jeediyey Baarlamaanka Marayanka mid been ah oo ay ka muuqato inuu yahay hoggaamiye naf-lacaari ah.
Tehran(Hubaal)- Raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa shalay Salaasadii khudbad u jeediyey Baarlamaanka Maraykanka. Wuxuuna Netanyahu sheegay in dowladda Iraan ay tahay khatarta iyo cadowga Maraykanka.

 

SWITZERLAND-UN-RIGHTS-COUNCIL
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran, Jafad Sarif, ayaa sheegay in khudbada Netanyahu ay tahay mid muujineysa sida uu ugu guuldareystay siyaasada, isla markaana ka muuqato isku kalsooni la’aan. Wuxuuna intaasi raaciyey in khudbada Netanyahu ay uun tahay beentii lagu yiqiinay.
Dhinaca kale dowlada Iran ayaa si adag u qaadacday Baaq ka yimid Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo isniintii lasoo dhaafay wareysi uu siiyey wakaalada Reuters ku sheegay in ay ka codsanayaan Iran in ay joojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka muddo 10 sano ah.
“Hadalka kasoo yeeray Obama waa mid aragtidiisa ah, balse waa codsi aysan dowlada Iran marnaba aqbali Karin, sidoo kale hadalkaasi Obama waa mid si hanjabaadi ku jirto loo soo jeediyey…” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran oo xiligan ku sugan magaalada Geneva.
Sarif iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa xiligan kulamo ku yeelanaya magaalada Geneva oo uu shalay ka furmay shirweynaha looga hadlayo Xaquuqul Insaanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here