Wasiirka Arrimaha Dibada oo Sheegay in Aftidii lagga Qaaday Dadka Scotland ay Waddada u Xadhayso in Somaliland la Aqoonsado.

0
31

Hargeysa(Hubaal) Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay Sidda ay Somaliland u aragto Afti qaadistii Dalka Scotland ee shacabkaasi ku Gosteen in ay Dhulweynaha Ingiiriska ka sii mid ahaadan, waxanu tilmaamay in Bulshada caalamku ay Qadarinayso Go’aanka ay qaatan dadku ee ay ahaydooda kaga tashanayaan, waxanu tilmaamay in Arritnaasi Fursad u tahay Somaliland.

wasiir biixi yoonisSidaasi waxa uu ku sheegay Mar uu Maanta Shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada hargeysa.

Waxanu yidhi.“Arrinta Scotland waad la socota oo Ingiiriska iyo Scotland Muddo 307 Sanno ah ayey isku xidhnaayeen, laakiin dadka reer Scotland waxa la siiyey Jaanis ay ku sameystan Afti ay ayahooda kaga tashanayaan ay sameystaan, dadkii codkoodii ayey dhiibtay waxanay isku raacen in 55% ay yidhadaan waxanu Doonaynaa in aanu dalweynaha ingiiriska ka sii mid ahaano, halkan 45% ay yidhahdeen waxanu doonaynaa Madaxbanaani, marka Aqlabiyadii ayaa la qaatay si waddankaasi mid u sii ahaado, laakin waxa halakasi ka soo baxay in Dimuqraadiyadu shaqeynayso oo dadka codka ka soo baxa dadku waxa ku goostan, dadkii aad u doonayey in ay ka go’aan Ingiriiska in ay aqbaleen go’aankii ahaa in aan lagga Gu’in Ingiriiska, marka Ta Somaliland waa Go’aan inagu goosanay oo 97% ayaa Goostay in aynu Dal madaxbaan ahaano, marka waxaynu filaynaa in Caalamka ay aqbalaan Go’aanka inagga soo baxay.”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here