Tuhuno is-huursan oo ku gedaaman xurgufta u dhaxaysa Suldaan Wabar iyo Xukuumadda Somaliland
Addis Ababa(Hubaal) Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa safar aanay xukuumaddu shaacin ku tagay Dalka Itoobiya, iyadoo labada masuul mid na Diyaarad ku tagay ka kalena Dhulka maray.
Labada mas’uul ayaa wararka laga helayaa sheegayaan inay madaxda Dalka Itoobiya kala hadlayaan sidii la isaga kaashan lahaa sugida Amaanka xuduudka labada Dal gaar ahaan ka Gobolka Awdal oo uu Suldaan u dhashay deegaanka Qolujeed ka wado xaalad Amni daro.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa ugala hadashay wax ka qabashada Suldaankan iyo Maleeshiyo uu samaystay, iyadoo fartay inay dawladda Federalka Itoobiya talaabo ka qado haddii uu xadkeeda u talaabo, hase yeeshee waxa muuqata safarka Mas’uuliyiintani in uu ka dhashay sidii ay Itoobiya ugu adkayn lahaayeen wax ka qabashada Suldaankaas iyo Maleeshiyadiisa oo haddii talaabo midaysan laga qaadan waayo khatar ku keeni karta Mandaqada.
Ilo wareedyo ka soo baxay dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyey ee la xidhiidha Suldaan Wabar iyo Maleeshiyadiisa ayaa sheegaya inay wali ku sugan yihiin gudaha Itoobiya, halkaas oo uu Somaliland uga soo hanjabayo, waxaanay arrintani keentay inay dadka siyaasadda Odorosaa Su’aalo badan iska weydiinayaan sababta Itoobiya talaabo uga qaadi la’dahay Maleeshiyadaasi.
Xukuumadda Somaliland iyo Itoobiya ama Maamulada Kililka shanaad iyo Awdal waxa ka dhaxayn jiray Heshiis ah inay isku talaabaan marka Hawl-galo Amaanka lagu sugayaa jiraan, waxaanay masuuliyiinta labada dhinac koox waliba tagi jirtay dhinaca kale iyada oo aan hubaysnayn, hase yeeshee illaa iyo intii Suldaan wabar ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Somaliland ma jirto wadashaqayntii labada dhinac u dhaxayn jirtay.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland oo Ciidamo Komaandows ah iyo kuwa RRU-da gaysay Qulujeed iyo Borama ayaan illaa hada Hawl-gal milatari qaadin, waxaanay ka war sugayaan sida wararku sheegayaan Amar ay ka helaan Xukuumadda, wallow illaa hada Dadka Gobolka Awdal saluugsan yihiin qaabka uu hawl-galkoodu usocdo.
Sida ay dadka arrimaha Maamulka wax ka yaqaanaa sheegayaan illaa iyo hada ma jirto isku xidhnaan u dhaxaysa Wasiiradda ku sugan Borama iyo Madaxda Maamulka ee Gobolka, isla markaana ma jiro wax kulan Fool ka Fool ah oo dhex maray Madaxda Dhaqanka Gobolka Awdal iyo Kooxda Wasiiradda ah, waxaanay taasi ku dhalisay dad badan oo Borama ku sugan jahawareer iyo shaki, waxaanay isweydiinayaan qorshaha Qarsoon ee ay Xukuumaddu ku waajahayso Maleeshiyada ku dhuumaalaysanaysa xadka, maadaama oo aan hawl-gal laga hayn dhinaca Itoobiya, isla markaana aanay Somaliland talaabo cad qaadin.
Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada u dhaxeeya Madaxda Gobolka Awdal iyo Xukuumadda Somaliland ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Awdal shuruud kaga dhigeen Xukuumadda inay xalinta Arrintan ku bedelato inay ogolaato in Dekedda Lughaya haddii aanay u dhisay la siiyo damaanad ah inay Itoobiya u dhisto, hase yeeshee sida Xoguhu sheegayaan xukuumadda Somaliland shuruudaas waxay ku aqbashay bilaa shuruud, waxaanay ka dalbatay Madaxda dhaqanka Awdal inay ula yimaadaan qorshe ay u saxeexdo.
Shuruudan Madaxda dhaqanka Awdal ku xidheen Xukuumadda ayaa ka mid ahayd cabashooyinka ay u gudbiyeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hor intaanu Suldaan wabar ku dhawaaqin dagaalkiisa, inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay Dekeddaas, hadana waxa fari ku godan tahay haddiiba ay Xukuumadda Somaliland u fuliso shuruuda ay Reer Awdal doonayaan in loogu ogolaado in Dekedda ay u dhisto cida ay doonaan waxa Somaliland u yaala ee ay ku bedelatay maadaama Dekedda Lughaya ka mid tahay Dalka Somaliland xukuumadduna maamusho Dekedaha kale ee Dalka sida Berbera, Saylac iyo Maydh.
Si kasta ha ahaatee waxa soo baxaya ifafaaayaal hadoodilan oo ku gedaaman loolanka iyo xiisada u dhaxaysa Xukuumadda Somaliland iyo Madax dhaqameedka Gobolka Awdal kuwaas oo la odhan karo waxa saamayn qarsoon ku leh Dawladdaha Jaarka ah, kuwaas oo Somaliland u aqoonsan inay qayb ka tahay Nidaamka Federalka Somaliya maadaaama aanay illaa hada u aqoonsanayn Dal Madax banaan.
Waaheen media