Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamahuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis oo beryahanba hawlo shaqo u joogay, magaalo madaxda Dalka Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa (shalay ) kulan balaadhan kula qaatay Xarunta wasaradda Arrimaha debada itoobiya Wasiirul- Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Amb. Berhane Guud ahaan labada Masuul waxay ka wada hadleen Xaalada guud ee Gobolka Geeska Africa, xaalada Yemen iyo gaar ahaanba xidhiidhka dhinac yada badan ee taarikhiga ah, walaaltinimo ee ka dhexeeya labada wadan, Somaliland iyo Ethiopia iyo sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga iyo walaaltinimada labada shacab,
Kulanka dhex maray wasiirka wasaaradda arrimaha debada iyo iskaashiga caalamig ah ee Somaliland Mudane .Mohamed Bixii yoonis wasiiru dawlaha Arrimaha Dibada dalka Ethiopia Amb. Berhane,ayaa waxay sii qoto dheerada uga hadaleen xidhiidhka soo jireenka ah ka dhexeeya dalalka Ethiopia Somaliland dhinacayada ganacsiga amaan siyaasada oo sanooyinkii u dambeyey sii xoogaysanayey waxa kulanka ku weheliney wakiil ku xigeenka safarada somaliland ee dalka Ethiopia
Kulamada uu wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga Somaliland Mudane Mohamed Bixii yonis uu la yeelashay wadamada dariska iyo caalamka ayaa waxay kor u qaadaysaa sidii beesha calamku ay aqoonsi buuxada u siin lahayeen dalka. Somaaliland.
Mudooyinki dambeyey ee u safadarada shaqo ku maraya wadamada yurub aya waxay ibaha u furaysa siday caalmku u danaynayaan inay xidhiidh la yeeshan somaliland oo ay horseedka u tahay wasarada arrimaha debada iyo iskaashiga calamig ah oo ka turjumaysa siyaasada Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed Mohamed (Siilaayo) ee xooga saraysa sidii dalkani uga iibin lahaa siyasada dhabaha u xaadhaysa ee qotada dheer ee ka turjumaysa rabitaanka shacabka somaliland.
Kulan kan oo qaatay 1:30 hr ,waxa wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ku weheliyay , Wakiilka Somaliland ee Addis-Ababa, Mudane Ayaanle Salaad Diiriye iyadoo Wasiiru dawlaha -Darrimaha Dibada Ethiopia uu wehelinayay Ambassador Soloman, Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Dibada, ee Africa, iyo xubno kale oo wasaarada arrimaha Dibada ka tirsan.
ugu dambayn kulankani wuxu ku soo gabagaboobay guul iyo is afgarad.
Allah Mahad Leh
Maxamed Xasan Siciid
Agaasimaha Guud
Wasaradda Arrimah debedda iyo Iskashiga Calamig ah