Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Oo Diiday Ka-qayb-galka Shir Ay EU-du Kaga Arrinsanayso Madaxweyne Trump

0
37

wasiirka-dibedda-uk-iyo-trump

London:(Hubaal)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee UK, Boris Johnson ayaa diiday inuu ka qeyb galo shir maanta oo Axad ah ay Wasiirada dalalka Midowga Yurub ka yeelanayaan natiijada Doorashadii Maraykanka iyo Madaxweynaha Cusub Donald Trump.

Wasiirka UK ayaa sheegay in Dalalka Midowga Yurub ay joojiyaan hadalada ka dhanka ah Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka Donald Trump, isagoona sheegay in dowlada Ingiriiska ay ka fakareyso mustaqbalka marka ay ka baxaan Midowga Yurub inay xidhiidh wanaagsan lasii lahaadaan dalka ay xulafada yihiin ee Maraykanka.

Balse dalalka Midowga Yurub hogaamiyayaashooda ayaa walaac ka muujinaya guushii Donald Trump oo isagu hore uga dhawaajiyey inuu wax badan ka bedali doono Isbaheysiga NATO, xidhiidhka ganacsi iyo heshiisyadii hore ee u dhaxeeyay Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa xiligii uu ku jiray ololaha doorashada sheegay inuu joojin doono kaalinta Maraykanka iyo dhaqaalaha badan uu ku bixiyo isbaheysiga NATO oo xiligan dhaq dhaqaaq xoogleh ka wada dalalka Bariga Yurub ee xaduudalaleh Ruushka. Xukuumada Moscow ayaa iyaduna walaac ka muujineysa awooda sii kordheysa ee NATO iyo saldhigyada ay ka sameysay dalalka jaarka la ah, Ruushka ayaa xiligan ku faraxsan guusha Donald Trump oo ay u arkaan inuu yahay nin dhankooda u jeen jeedha.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa docda kale ka tashanaya sidii ay uga jawaabi lahaayeen hadii Dowlada cusub ee Maraykanka wax ka bedasho heshiisyadii hore ee ganacsiga xorta ah, isla markaana canshuuro dheeraad ah kusoo rogaan badeecada laga keeno Yurub ee loo suuq geeyo Maraykanka, arrintaasi oo uu sheegay Trump inuu hirgelin doono si uu sare ugu qaado waxsoo saarka Shirkadaha laga leeyahay Maraykanka.

Waxay Madaxda Midowga Yurub qaarkood sida Haweenayda hogaamisa dalka Germany Angela Merkel ay hore uga hadashay hadalada cunsurinimada ah ee la xidhiidha dadka laga badan yahay sida Muslimiinta oo uu hore u sheegay Trump inuu ka joojin doono in ay soogalaan dalka Maraykanka. Dalalka Yurub ayey kadis ku noqotay guusha Trump iyagoo hore u filayey inay doorashada ku guuleysato Hillary Clinton.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here