Wuxuu berri u kicitimayaa Dalka Kenya oo uu kulamo kula yeelan doono Madax kala duwan
Addis ababa(Hubaal) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta kulan kula yeeshay Caasimada Dalka Itoobiya wasiirka Arrimaha Dibeda Dalkaasi, kaasoo ay ka wadahadleen arrimo badan.
Kulankan oo aanay illaa hada labada Dawladood wax war ah ka soo saarin, waxa la sheegay in lagaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta Amaanka labada Dal iyo sidii loo dadajin lahaa kulamo dhinaca Ganacsisga ah oo ay labada Dal u balansanaayeen, kuwaas oo dhawr jeer dib u dhacay.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo ilo wareedyo safarkiisan u dhuun-daloolaa Waaheen u sheegeen in uu kulamo kale la yeeshay Safiiradda Safaaradaha dhawr Dal, kuwaas oo ay ka wadahadleen arrinaha ku cusub Mandaqada.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa la filayaa in uu Berri u dhoofo Dalka Kiiniya, halkaas oo la sheegay in uu balamo kula leeyahay Dublamaasiyiinta Dalalka Dunida qaarkood.
Xukuumadda Somaliland ayaa qorshaysay inay bilowdo dedaal Dublamaasiyadeed oo ay indhaha dunida ku tusayso sida ay diyaarka ugu tahay inay kala shaqayso arrimaha Amniga iyo kuwa Horumarka, kuwaas oo ay kaalinta koowaad kaga jirto gobolka.
Sidoo kale, safarka Wasiir Biixi ayaa hordhac u ah safar balaadhan oo ay Xukuumadda Somaliland Dalalka Gobolka ugu dirayso wefti ka kooban Golayaasha iyo Axsaabta Qaranka, kuwaas oo kulamo Garnaqsi ah ula tagi doona Dublamaasiyiinta iyo Dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Midawga Yurub