Dawladda Somaliland Oo Madaxweynaha Djibouti Uga Mahad-naqay Hab-maamuus Uu Ku Sooryeeyey Wefti Somaliland Ka Socday
“Waxa xaqiiqo ah, In Qaabka Uu Madaxaweynaha Djibouti Ku Soo Macasalaameeyey Weftiga Somaliland Ay Muujinayso Kalgacalka, Dhaqanka Iyo Xiddidada Aasaasiga Ah Ee U Dhidban Labada Jamhuuriyaddood”- Maxamed Biixi Yoonis
Hargeysa(Hubaal)- Dawladda Somaliland Ayaa Ka Mahad naqday Hab-maamuuskii dhaqan ee uu Madaxweynaha Dawladda Djibouti Ku Qaabilay Wefti ka socday Jamhuuriyada Somaliland Oo uu Marti Qaaday.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo warbaahinta uu u qaybiyey afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse, Xukuumadda Somaliland oo uu Wakiil ka yahay wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa u mahad naqday Madaxweynaha Jabuuti. Wasiir Maxamed Biixi Waxa uu Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle uga Mahadnaqay qaabkii loo soo dhaweeyey weftigii Reer Somaliland ee dhawaan Jabuuti martiqaaday.
War-saxaafadeed Mahadnaqa ah ee wasaaradda Arrimaha Dibedu waxa uu u dhignaa sidan:-
Wefdi balaadhan oo ka socda Somaliland ayaa dhowaan booqasho lagu martiqaaday waxay ku tageen caasimada Jamhuuriyada Djibouti ee Djibouti. Wefdigaas ayaa isugu jirey xubno Golaha Wasiirada ka tirsan, madaxda Xisvbiyada Qaranka iyo hawl wadeeno labadaas dhinac ka kala tirsan.
Wasiirka Arrimaha Debedda, Maxamed Biixii Yonis Yoonis, isagoo ku hadlaaya magaca wufuudaas ayuu wuxuu mahad balaadhan u jeedinaya, madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti, Ismail Omar Geelle, oo madaxda reer Somaliland si fiican u soo dhoweeyey. Waxa kale oo uga mahad celinaya sidii loo soo dhoweeyey wufuudaas la marti qaaday mudadii ay Djibouti joogeen, taas wax weyn ku kordhinaysa xidhiidhka labada jamhuuriyadood ee Somnalilandf iyo Djibouti. Xidhiidhka labada dal ah mid maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya, sida uu sheegay, Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Arrimaha Debedda ee Jamhuuriyada Somaliland, kaas oo soo jireen ahaa xataa wakhtigii adkaa ee Djibouti ku soo hoos jirtay isticmaarkii France.
Waxa xaqiiqo ah, ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha debedda ee Somaliland, in ay xidhiidhkaas ay markhaati u tahay, markii madaxaweynaha Djibouti uu garoonka dayuuradaha ee Djibouti uu ku soo maca salaameeyey wefdigii reer Somaliland ee Djibouti lagu marti qaaday, markii ay Hargeisa u soo dhoofayeen, taas oo muujinaysa kalkacalka, dhaqanka iyo xididdada asaasaiga ah ee u dhidban labada jamhuuriyadood.
Wasiirka Yoonis, wuxuu sheegay in uu aad ugu mahad naqaayo madaxweynaha Djibouti iyo dadka reer Djiboutiba dhamaantood soo dhoweynta qaaliga ah ee lagu qaabilay.