Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Britain Boris Johnson ayaa maanta magaalada Muqdisho ku tagay booqasho aan hore loo sii shaacinin. Waa booqashadii ugu horaysay ee uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay.
Mr Johnson ayaa wadahadallo la qaatay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Shir caalaami ah oo looga hadli doono Soomaaliya ayaa lagu wadaa in London lagu qabto bisha May. Johnson ayaa sidoo kale safarkan ku maraya Kenya iyo Uganda, waana dedaal ay Britain ku doonayso in ay sare ugu qaado wax ka qabashada xaaladdaha bani’adannimo ee ka jira dalalka geeska Afrika.
booqashadan ayaa timid iyadoo hay’adaha gargaarka ee saldhigoodu yahay wadanka Ingiriiska ayaa maanta oo Arbaca waxay qabanayaan codsi wada jir ah mucaawino loogu ururinayo malaayiinta qof ee macaluushu ku soo food saartay Bariga Afrika.
In ka badan 16 milyan oo qof oo gobolkan ku nool ayaan maalinkaa maanta ah wax ay afka geliyaan aan haysan meel ay ka helaanna aan garanayn, waxaana ugu sii liita caruurta oo qarka u saaran geeri ay gaajo keentay
Abaarta iyo colaada ayaa saameyn ku yeelatay nolasha malaayiin qof wadamada South Sudan, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasi oo si deg deg ah ugu baahan cunto, biyo iyo daaweyn caafimaad.
Xigasho: bbc