Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo Marti-Qaad Ka Helay Waddamo Ay Somaliland Dano Wadaagaan + Ajendaha Miiska Saaran Iyo Maxsuulka Laga Filayo

0
22

Maxuu wasiir Biixi ka yidhi socdaal wasiiro xukuumadu ku tageen Dubai?

“Marti-qaadkaygu waa sii ambaqaadka kulammadii aannu hore ugu yeelannay Kenya, xilliganna aannu waddamada kala duwan u ballansan-nahay Masuuliyiintooda…” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

biixi yoonis1Hargeysa, (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Axadda Berri oo ku beegan 19-ka bishan April dalka ka dhoofaya, isla markaana u ambabaxaya waddamo ka tirsan Qaaradda Yurub, gaar ahaan uu ugu horreeyo dalka Talyaaniga oo uu ka jeedin doono Jaamacad ku taalla Khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland sheegay in socdaalkaasi ku yimi marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalal kala duwan, lana xidhiidho qaddiyadda madax-bannaanida iyo horumarinta xidhiidhada ay wadaagaan Somaliland ujeeddada scdaal uu Axada ugu socdaali doono wadammo ka tirsan qaarada Yurub. Assist

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibedda, ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey socdaal dhawaan Wefti uu hoggaaminayey ku tageen dalka Kenya, isla markaana kulammo kula yeesheen Safiirro iyo Masuuliyiin kala duwan, waxaanu ku saabsanyahay qaddiyadda madax-bannaanida, xidhiidhada iyo iskaashiga ay la wadaagan Somaliland iyo arrimo kale.

Wasiir Maxamed Biixi oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey socdaalkaas la sheegay inuu ku tegi doono dalka Talyaaniga iyo waxa uu ku sabsan yahay, ayaa sheegay inuu marti-qaad ka helay Madax kala duwan oo dalalka qaaradda Yurub qaarkood ah, waxaanu yidhi; “Socdaalkaygu kuma koobna dalka Talyaaniga, waxaan sidoo kale marti-qaad ka helay waddamo kale oo Qaaradda Yurub ah, isla markaana aannu kulammo yeelan doonno Masuuliyiintooda.”

Wasiir Biixi, ayaa sheegay in Talyaaniga marka uu tego khudbad la xidhiidha dariiqii Shacabku u soo mareen dhismaha dawladnimada Somaliland, kuna soo gaadheen horumarka ay ku naaloonayaan ka jeedin doono Jaamacad dalkaas ku taalla, si Madaxda Soomaaliya wax uga bartaan. “Marti-qaadkaygu waa sii ambaqaadka kulammadii aannu hore ugu yeelannay Kenya, xilliganna aannu waddamada kala duwan u ballansan-nahay Masuuliyiintooda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar la xidhiidhiyey inuu ka baaqday socdaal Wasiirro Xukuumadda ka tirsani ku tageen dalka Imaaraadka, balse u diyaar-garoobayo Safar uu waddamo kala duwan ku tegi doono, waxaanu yidhi; “Ma jiro Wefti aan ka baaqday raacitaankiisa, balse waxaan ku jiraa diyaar-garowga socdaal wax weyn ka tari doona xidhiidhada iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee Somaliland la wadaagto dalalka caalamka qaarkood.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here