Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Amar Ku Soo Saaray In Talaabo Laga Qaadaayo Cidii Hargaysa Ku Dhex Qaadatada Mindiyaha Iyo Soodhadhka.

0
25

Hargaysa(Hubaal) Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay shacabka magaalada Hargeysa ku soo rogtay Amar hore loogu soo rogay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo dadka caasimadda ku dhaqan ka xaaraan-timaynaya inay magaalada gudaheeda la dhex-maraan Mindiyaha ama Soodhadka oo aanay caado u lahaan jiray inay qaataan dadka reer Hargeysa, balse muddooyinkii u dambeeyey isticmaalka sidashadeedu ku soo badanaysay.

Wasiirka Daakhiliga Cali Waran Cadde, ayaa sheegay in ciddii lagu arko iyadoo suuqa dhexdiisa ku sidata mindiyaha ama soodhadhka in sharciga la horgayn doono, isla markaana xadhig muddo dheer ah lagu xukumi doono. Wasiirku waxa uu tallaabadan ku sheegay mid ka dhalatay heshiis si wada jir ah ay uga gaadheen Wasaaradda Daakhiliga iyo Maxkamadaha dalku, iyadoo qofkii lagu qabto Mindi ama Soodh uu mutaysan doono xadhig aan muddadiisa la cayimin.

warancade 1“Marka maanta (shalay) laga bilaabo wixii ka dambeeya qofka Mindi lagu arko ee aanay hudheel ama guri oolin, ama aan hilib ku cunaynin isagoo suuqa dhex sita, waxaa la xidhi doonaa bilo badan, waananu ka heshiinay arrintaasi maxkamadaha, sida uu xeerku tilmaamayo ayaana lagu xukumi doona, waxaanan leeyahay qof hilib ku cunaya mooyee qof kale oo dibadda la maraya lama arki karo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha Gudaha oo hadalkan ka sheegay munaasibad uu xadhigga ka jaray shalay saldhig cusub oo laga hirgeliyey Xaafadda Macalin Haaruud ee Bariga magaalada Hargeysa.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaa la baadhi doonaa dadku marka ay basaska fuulaan, ciidamadda CID-da ayaa raaci doona basaska, marka ay ka degayaan ayaa la baadhi doonaa, ninka reer miyiga ahi gurigiisa ha kaga yimaado, marka uu magaalada soo galana meel baydhsan ha dhigto.”

Go’aankan ayaa noqonaya markii u horeysay ee shacabka magaalada Hargeysa oo aan lagu tiring jiray qaadashada hubka Mindiyaha, marka laga reebo kooxaha habeenkii dadka booba, ayaa ku soo beegmaya dhowr bilood ka dib oo go’aan hubka noocan ah lagaga mamnuucayo lagu soo rogay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo shacabka ku dhaqan, gaar ahaan ragga, ay caado u tahay inay qaataan Mindiyaha iyo Tooriyaha oo caado u ah inay qaataan, waxaanay tani dhalisay shilal dhowr ah oo geystay qudh-gooyo iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay hubkan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here