“Wasiirka Arrimaha Gudaha Waxaan Leeyahay Adigaa Amniga U Xil Saarane Sababta Loo Jiidjiidanayo Suldaanku Waa Wax Ka Baxsan Dhaqanka iyo Caleemo Saarka Ee Degdeg Faraha Ha Uga Qaado”

0
49

“Waxaan Leeyahay Suldaanka La Caleemo-Saaray Xaq Looguma Laha In Fursadiisa Lagaga Ciyaaro”

Hargeysa (Hubaal):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Cambaareeyay, fool-xumo iyo baadilna ku tilmaamay Xadhiga ciidanka ammaanku kula kaceen Suldaanka Cusub ee Beesha Bariga Hargeysa, isla markaana xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO ka dalbaday inay xorriyadiisa sida ugu dhakhsaha baddan ugu soo celiyo. Suldaankan Cusub oo lagu magacaabo Cabdirixiin Saxardiid Kaahin, ayaa waxa uu Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ku sifeeyey inuu yahay nin aqoonyahana oo fikirkiisu aad u sareeyo, isla markaana noqon karaya Suldaankii isku xidhi lahaa Beelaha Somaliland.suldaan maxamed

“Xaflad aad iyo aad u qurux badan oo lagu caleemo saarayay Suldaan Cusub oo ah aqoonyahan beesha uu ka soo jeedaa ay aad u ballaadhan tahay ayaa dorraad subax ka dhacday Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa. Suldaankan cusubi waa ninka isku xidhaya Beellaha Somaliland oo fikirkiisu aad u wanaagsan yahay”, sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir oo degelka Hayaannews.net wax ka weydiisay xadhiga suldaanka cusub. Waxaana uu intaa ku daray “Caleemo-saarkii Suldaanku markii uu dhamaaday, ayaa waxa dhacday in Ciidanka RRU-da oo uu wato Badhasaabka Gobolka Hargeysa Jeeni-yare uu yimi,kadibna ay xidheen Suldaankii”. Suldaanka Guud ee Beellaha Somaliland Suldaan Maxamed ayaa sheegay inaanu jirin Xeer ay xukuumadu ku xakameynayso sameysashada Salaadiin Cusub, isaga oo arrimntaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Reeruhu SALAADIINTA ay sameysanayaan xeer ka u yaala oo ay xukuumadu ku xakameynayso maadama aanu jirin,waxa qurux baddan in nabadgelyada la ilaaliyo- Arrin ka taagan Lebi-Sagaale, arrinta abaabulkeeda waxa la sheegayaa, rag salaadiin ah iyo niman Wasiirro ahi inay dabka hurinayaan, labada reerood ee halkaasi wada degen ee ISAXAAQA IYO DAN-WADAAGO waxa ka dhaxeysa walaaltinimo weligoodna isku deegaan ayay ahaayeen, dad kala guursada oo xidida oo isku ah tol iyo abti way ka buuxaan. Dadka deegaankaasi waxaan leeyahay nabadgelyadiina ilaashada, nin Siyaasi ahi arrin uu waddo iska ilaaliya yaanu madaxa isku kiin gelinine”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, waxaan leeyahay adigaa amniga u xil-saaran ilaalintiisa iyo ku dhaqankiisaba, arrinku haddii uu dacaad-yahayna wuu soo bixi doonaa, haddii ay wax ka jiraana ILAAHAY dhibteeda ha ina hareer-mariyo aynu imika ka gaadhno wixii dhibaato ka iman karaya meeshaa.”

Waxa uu ku baaqay Suldaan Maxamed sida ugu dhakhasaha baddan in Suldaankaasi la Xadhigay Caleemo-saarkiisa loo sii dayaa;“Suldaankii   la caleemo-saaray waa la xidhay,waxaanan xadhigiisa u arkayaa xadhig baadila, Beesha ISAXAAQ imika waxay leedahay ilaa 7-Suldaan, sabab lagaga xaaraantinimeynayaa ma jirto, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey Iyo Suldaan Barre Warsame Shire laba nin oo isku adeera ayay ahaayeen, Alle ha u naxariiste Marxuum Suldaan Barre Warsame Shire waxa uu ahaa nin degen tolkana dhaqa oo isku soo jiida, dhibaato kasta oo taala meesha ay taalo ayuu tagi jirey- Xadhiga Suldaankaa aad iyo aad ayaan uga xumahay, waxaanan leeyahay cidkasta oo xadhigaasi ka danbeysa inay degdeg faraha uga qaado, aniga oo arrintaasi u arka inay tahay fool-xumo sababta loo jiid-jiidanayo, waana wax ka baxsan dhaqanka iyo Caleemo-saarka,”

“Aniga oo ku hadlaya magacayga ka Salaadiinta guud ee Beelaha Somaliland waxaan odhan lahaa si degdega xorriyadiisa ha loogu soo celiyo, waayo haddii aanu qofku ahayn danbiile waxa wanaagsan in xuquuqdiisa la ilaaliyo maadama aynu nahay dal dimuqraadiya- Suldaanka la caleemo-saaray xaq looguma laha in fursadiisa lagaga Ciyaaro”.Ayuu Yidhi Suldaan Maxamed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here