Hargeysa, (Hubaal) – Axmed Cismaan Xuseen oo ah eheladda wasiirkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay in weerarkii lagu soo qaaday guriga Abokor uu ahaa dil qorshaysan.
Ninkan sheegtay Eheladda wasiirkaasi hore ayaa ku dooday in qaabka loola dhaqmay caruurtii iyo Haweenkii ku noollaa guriga aanay ahayn mid muwaadinimo, isla markaana xuquuqda bani’aadamka ka baxsantahay.
Axmed Cismaan Xuseen oo xalay nagu soo booqday xafiiska Saxafi ayaa yidhi sidan: “Wasiir ku xigeenkii hore Amnigu isago gurigiisa jooga ayaa la soo weeraray, iyadoo loo diri lahaa xildhibaanda beeshiisa iyo madax dhaqameedkiisa haddii loo baahdo, ayaa loo adeegsaday wax aan waligii dalka ka dhicin iyadoo maatidii oo ubadan caruur iyo dumar habeen badh hubkii ugu badnaa lagu riday, ilaahay uun baa bixiyey, wasiirka Arrimaha gudaha waxa jirtay beeshiisa wakhti ka mid ah inay weerareen ciidanka qaranka oo saldhigiisa joogga oo ay laayeen ciidanka aan waxba galabsan oo guri walba hubaa yaalla”
Mar aanu wax ka waydiinay siday ciidanku ula dhaqmeen maatidda waxa uu yidhi “waxa guriga joogay shan iyo toban qof oo dumar iyo caruur u badan, mid Sagaal bilood jira iyo mid sagaal jir ahba iskugu jiray,wax xaquuqdii muwaadinimo oo laga badbaadiyey may jirn wax aan lagu samayna oo u hadhayna oo qof bani’aadam ah oo xumaan iyo argagax ah oo aan lagu samayn may jirin , caruurtii baa qori dadabadii lala dhacay markii rasaastii ka badbaadeen, xasuuq aan ka dhicin ma jirto tii Siyaad Bare sidaas ulama dhaqmin caruur iyo maatida gurigooda iska hurda, guriga haddii aad tagto waad arkaysa gidaar walba rasaas ayaa ku dhacday ilaa gurigii hurdada”. “Aafadda qaran ee halkaasi ka dhacday wax ay ka tidhi ama raali galin ah ama khalad ah ma jirto cid ka hadashay maatida sidaas loo galayna ma jirto”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Mar aanu waydiinay waxa lagu haysto Cabdilaahi Abokor waxa uu ku jawaabay “ Dee isagu afku hadlay oo uu wax ka sheegay ee ficil ma samayn, ee waxay ahayd in sifo sharci ah loo maro xadhigiisa, wax waaran ah oo loo keenay ma jirto”
Mar kale waxaanu waydiinay hubkan la sheegay inuu haystay waxaa ka jira “Hubkan faraha badan ee ay sheegeen wax ba kama jiraan ee Baastooladii lagu ogaa iyo qori guriga yaalay ayuu ahaa guri kasta qori wuu yaallay,”. “arrintani waa arin Somaliland ugub ah, tii Siyaad Bare ee aanu la dagaalamay waa mid ka xun, arintani taariikh bay galaysa, cida hawshan ka soo fushayna way ogtahay, in degdeg looga soo jawaabi waayo,nin baa hadal yidhi haddii ay dambi tahay iyo haddii kale, laakiin shan iyo tobanka qof ee guriga joogay ee caruurta iyo dumarka u badan dambi may galin, waaran looma keenin ee awood ayaa loo keenay lamana qiimeyn dadka kale e meesha ku nool”.