“…Wasiirka Arrimaha Guduhu Fawdo Ayuu Geliyey Dalkii Oo Belaayo Ayuu Ku Soo Dhex Tuuray….Waxaad Noqotay Dhidar Onkod Kiciyey…Xisbiyada Waxaan Leeyahay Ma Kala Xadaysna’e Ma Jaantaa Rogan baad Doonaysaan”

0
37

“Inuu Maayarrada U Yeedho Khalad Ayaan U  Wasiirka Arrimaha Guduhu Fawdo Ayuu Geliyey Dalkii Oo Belaayo Ayuu Ku Soo Dhex Tuuray….Waxaan Leeyahay Waxaad Noqotay Dhidar Onkod Kiciyey”

 Mid Ka Mid Ah Xildhibaannada Ugu Muxaafidsan ee Golaha Guurtida Oo Fowdo Ku Tilmaamay Hanaanka Uu Wasiir Waran-cadde U Qaabilay Qorsha Diiwaangelinta 

“Xisbiyada Waxaan Leeyahay Waar Ha Deg-degina Sida Wasiirku U Deg-degay Oo Kale….Ma Kala Xadaysna’e Ma Jaantaa Rogan baad Doonaysaan”

Hargaysa (Hubaal)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Xildhibaan Shaadh), oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Odayaasha dhaqanka Ee Guurtida Somaliland Ayaa wasiirka daakhiliga si ba’an ugu dhaliilay inuu ka hor sujuudo xeer aan Madaxweynuhu Dhaqan gelin oo weli hor yaalla golahooda, kaasi oo uu sheegay in marka uu iyaga soo dhaafo ay xukuumad ahaan banaan tahay inay dhaqan geliyaan.

Sidoo kale waxa xildhibaanu naqdiyey siyaasadda iyo hab dhaqanka Axsaabta Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID. C/raxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) oo warbaahinta maxaliga ah ugu warramay magaalada Hargeysa waxa uu carrabaabay in muddo labo sano ah ay ku qabsoomi karaan diiwaangelinta madaniga iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, kuwaas oo qabashadooda ay xukuumada ka go’an tahay inay qabato labada diiwaangelinood ee madaniga iuyo ta codbixiyeyaasha.

Xidlhibaan Sha dhXil. Shaadh waxa uu xusay in aan loo baahnayn in wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancade iclaamiyo maadaama labadda dhiiwaangelinood ay horyaalaan golaha wakiilada isla marakaana aan ku muujiyay qabashada diiwaangelinta madaniga.

Xildhibaanka oo ka hadlayay mawduucan waxa uu yidhi “Horta marka hore xukuumaddu way ka go’an tahay in la qabto diiwaangelinta madaniga ah, laakiin wasiirka arrimaha wuu ku degdegay in uu yidhaahdo waanu qabanaynaa diiwaangelinta madanioga ah, waayo xeerkii muu soo bixin oo waxa uu yaalaa golaha wakiillada ee waxa uu soo marayaa golaha guurtida, oo wakhti dheer ayay qaadanaysaa markaa inuu wakhtigu wasiirku la shiro maayarada dalka ee uu u yeedhay anigu khalad ayaan markaa, waayo golihii wakiillada kamaysoo bixin golihii guurtida may iman, markaa waa lagu degdegay iyadoo xukuumaddu ay waddo habkii lagu qaban lahaa, markaa wasiirka arrimaha guduhu fawdo ayuu galiyay dalka oo balaayo ayuu ku soo dhex tuuray dalka” sidaa ayuu yidhi Md. Shaadh, waxaanu intaa ku daray “wasiirka waxaan leeyahay dib uga noqo arrintaas goleyaasha iyo xukuumadda aad ka tirsan tahay ayay u taallaa, waxaanad noqotay dhidar onkod kiciyay”.

Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay xisbiyada mucaaridka in aanay ka degdegin xilliga la qabanayop diiwaangelinta madaniga waxana uu yidhi “Diiwaangelinta madaniga ahi aad iyo aad ayay muhiimad u leedahay hadii wakhtigeeda la helo oo fursad la siiyo, xisbiyaddana waxaan leeyahay waar idinkuna ha degdegina sida wasiirku u degdegay idinkaana wasiirka meel uu idinka galo la’ayahay, waxaanay ku qabsoomaysaa labada diiwaangelinood labo sanadood, waayo adduuna looma hayo oo kharashkii xukuumada ayuun baa yaala, kuwii la odhan jiray qaadhaan bixiyeyaasha una waxba inamay siin, waxaanan leeyahay waar kursigu yuu idiin hilaacin wakhtigana yuu kuu hiilaalin, ma kala xadaysna ma jaantaan rogan baad doonaysaan sidii doorashadii golaha deegaanka isqabqabsano, ayaan leeyahay xisbiyada mucaaridka.”

Photo File: Muuqaalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Xildhibaan Shaadh), oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Odayaasha dhaqanka Ee Guurtida Somaliland
Photo File: Muuqaalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Xildhibaan Shaadh), oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Odayaasha dhaqanka Ee Guurtida Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here