Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole iyo Masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi ayaa maanta martiqaad ugu fidiyey hal abuuro da’ yar ah oo ka kala socday gobolada Dalka Wax soo saarka Beeraha Wajaale iyo Ceel Giniiseed.
Martiqaadkan uu wasiirka beeraha iyo masuuliyiinta ka tirsan wasaaradda beeruhu u sameeyeen hal abuurada da’ yarta ah ee gabya ayaa waxa ay salka ku haysay sidii dhalinyarada loo tusi lahaa fursadaha wax soo saar ee dalka ka banaan iyo sida loogu baahan yahay inay dhalinyaradu masuuliyad iska saaraan sidii looga shaqayn lahaa wax soo saarka dalka.
Weftiga uu hogaaminayey wasiirka beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole, ayaa waxa ka mid ah ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax, La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab, Isuduwaha Gabiley ee Wasaaradda Beeraha C/risaaq Muxumed, Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi.
Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay sida ay wasaaradoodu uga hawl gashay sidii dalku wax soo saar ula iman lahaa, isaga oo ka sheekeeyey wax soo saarka mashruuca ciidamadu beeraan ee Wajaale.
Wasiirka Beeraha ayaa waxa uu sheegay in sanadkani yahay sanadkii ugu wax soo saarka badnaa ee ay wasaaradda beeraha iyo ciidamadu iska kaashadaan beerista banka Wajaale.
Wasiirka Beeraha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Aadbay muhiin ugu tahay wax soo saarku wadanka, sadex sanadood oo ay wasaaradda beeraha iyo ciidamadu ka wada shaqaynayeen wax soo saarka wadanka siiba mashruuca banka Wajaale, sanadkan waa sanadkii ugu badnaa ee ay wax ka soo go’aan beeraha Ciidamada banka Wajaale, iyada oo aan ku rajo waynahay in ku dhawaad 800 Kiish ka soo go’o sanadkan, waxyaabaha lagu beerayna waxa ka mid ah Hadhuudhka, Sareenka, Digirta Cas iyo Faasuliyaha”.
Wasiirka oo la hadlayey dhalinyarada hal abuurka ah waxa uu yidhi “Waa mid muhiim u ah qaranka in hal abuurku hadba wixii jira bulshada ugu sheego odhaahdiisa, isla markaana qofkii qaloocan ku toosiyaan”.
Dhalinyaradan oo ahaa dhalinyaro hal abuur ah oo ku tartanay maansooyin ku sabsan wacyigalinta tahriibta oo ay soo abaabuleen ururka SODRA ayaa waxa martiqaadka ay wasaaradda beeruhu u fidisay ujeedadiisu ahayd dareensiinta kaalinta kobcinta wax soo saarka dhalinyaradu ku leeyihiin.
Guddoomiyaha Ururka tartanka u qabtay dhalinyaradan hal-abuurka ah ee SODRA, Axmed Maxamed Shaqalle oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay muhiimada uu wax soo saarku u leeyahay dalka, isaga oo sheegay in dhalinyaradan hal abuurka ah ee ay tartanka u qabteen ururkoodu, masuuliyiin kala duwan oo xukuumadda ah martiqaad u fidiyeen si loo darensiiyo muhiimada dhulka hooyo leeyihiin.
Dhalinyaradan Hal-abuurka ah ayaa iyaguna waxa ay soo dhaweeyeen martiqaadka loo fidiyey iyaga oo tilmaamay inay arkeen wax soo saar ay ku dedaashay wasaaradda beeruhu oo u baahan in halkaasi laga sii wado.