Wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle (Xuseen-gaab) wuxu dafiray jiritaanka Sheekh-Zubeer Awal wuxuna warbaahinta ka sheegay in Sheekh-Zubeer Awal oo ku Aasan degaanka jiidali aanu isaga iyo beeshiisu oggolayn in la siyaarto isagoo ku sababeeyey in xabaasha sheekhu ku taallo degaan beesha dhulbahante ee uu kazoo jeedo ay degaan yihiin. wuxuna dhaqaale ku bixiyey in odayaal beeshiisa ka mid ahi warbaahinta ka sheegeen in aanay siyaarada Sheekh-Zubeer oggolayn goobta uu ku aasan yahayna ay iyagu leeyihiin.
Haddaba waxaynu ognahay xabaasha Sheekh-Zubeer oo ku taalla Aagga Durdur-Jiidaliyeed ay deggan yihiin Qabiilka Urursuge oo ka mid ah beelaha Habar-Magaado gacantana ay ku hayaan qabriga sheekhaas oo mas’uul ka yihiin iyagu weligoodna siyaaran jireen.
Waxaynu ognahay madax ay ka mid yihiin Madaxweyne-kuxigeenkii hore ee Somaliland (Axmed Yuusuf Yaasiin) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha (Cali Warancadde) ay hore siyaarooyin ugu tageen qabrigaas Markhaantina ay iyaga iyo cid kastaaba ka tahay goobtaas wasiirkan biyaha iyo beeshiisa toonni inaanay degaan ka ahayn sheekhana aanay weligoodba siyaaran balse xilliyadii dagaallada sokeeye ay sijaayadihii iyo qaddiifadihii qabrigaas ka qaateen iskuna dayeen xilliyo badan inay dumiyaan haseyeeshee beeshan gacanta ku haysaa ay ka caabbiyeen oo difaaceen qabrigaas Sheekh-Zubeer in waxyeello loo geysto.
Waxa xusid mudan xilligii nabadaynta Xuseen-gaab iyo beeshiisa in beeraha ay Jiidali ku leeyihiin oo dagaalladii sokeeye lagaga qabsaday looga baryey qoysaskii beelaha Habarmagaado ee degganaa inay uga guuraan bayadaasna ilaa maanta beesha wasiirkani ay ku deggan yihiin Jiidali.
Haddaba Anigoo aan kusii fogaanayn waxan leeyahay Wasiirka Biyaha markuu leeyaha Sheekh-Zubeer lama siyaaranayo oo annagaa (isaga iyo beeshiisa) u diiddan cid iman kartaana ma jirto Xuseen-gaabow miyaanad caqli lahayn adigu jigjiga yar ma joogi karaysaa oo wasiir ma ka ahaanaysaa Hargeysa?!!!!……..
Lasoco Qaybaha danbe
Qalinkii:Sugulle Waabberi
Hargeysa/Somaliland