Wasiirka Biyaha oo Shalay Cadho Kaga Baaqday Munaasibad Lagu Binneeyey Dhisme Cusub Oo Wasaaradiisu Yeelanayso

0
33

Ma Dhab Baa In Wasiirku Ka Cadhooday Qaabkii Ay Golaha Dhexe ee KULMIYE Ugu Kala Codeeyeen SAYLCI iyo Xaglo-toosiye?

Waxaa Dhagax Dhigay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Waxaana Kaalintii Wasiirka Buuxiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaaraddaas

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac ayaa  la weriyey in uu maalintii shalay cadho kaga baaqday munaasibad lagu dhagax dhigayay dhisme cusub oo wasaaraddiisa looga binaynayo magaalada Hargeysa, dhismahaas oo fulintiisa qandaraas lagu bixiyey ay ku guulaysatay shirkadda dhismaha wadaniga ah ee ALBARAKO Construction Co.  Wasiir Baashe Cali Jaamac oo kasoo jeeda deegaannada BAriga Somaliland ayaan subaxnimadii shalay kasoo xaadirin madasha loo qorsheeyey in laga bineeyo dhismaha cusub ee wasaaradda biyaha oo uu dhagax dhigayay Madaxweyne ku xigeenka JSL, waxaana markii cabaar la sugay wasiirka ee uu iman waayay madasha  madaxweyne ku xigeenka wada jir ula dhagax dhigay agaasimaha guud ee wasaaraddaas.  Sida ay baahiyeen qaar kamid ah degellada wararka Somaliland [Waaheen.com]  Maqnaanshiyaha wasiirka biyaha ayaa la sheegay in ay la xidhiidho cadho ka dhalatay doorashadii ergooyinka golaha dhexe ee KULMIYE ku doorteen musharraxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka, kuaas oo wasiirku ka mid ahaa xubnihii ololaynta u qaabilsanaa wasiirka caafimaadka Dr. IMG_0121Xaglotoosiye oo isugu u sharraxnaa jagada madaxweyne ku xigeenka, hase yeeshee uu Md. Saylici kaga guulaystay. Wasiir Baashe iyo  badiba Xubnaha Beelaha Harti kaga jira Xukuumadda ayaa codayntaasi ka cadhoodey, isaga oo   la  sheegay in uu ku jiray Xubno madaxweyne Siilaanyo garnaqsi ula tagay kuwaasi oo madaxweynaha waydiiyey sababta uu u soo  kala dhaweystay Saylici iyo Xaglatoosiye wakhtigii lagu jiray shirkii golaha dhexe ee Kulmiye.. Warark aanu ka helayno arrintaasi ayaa la sheegaya in wasiirku diiday xafladaasi markii loo sheegay in uu Madaxweyne Ku-xigeenku dhagax dhigayo. Warar kale oo aanu xalay ka helnay dhinaca qoyska wasiirka oo HUBAAL la xidhiidhay ayaa iyaguna tibaaxay In wasiirku uu agaasimihiisa guud u wakiishay dhagax dhiga dhismahan isaga oo xaalad caafimaad uu uga qayb geli kari waayay oo uu ku nasanayo gurigiisa. Isku soo wada duub oo ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maqnaanshaha wasiirka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here