Wasiirka Boosaha Somaliland oo Tilmaamay Waxqabadka Xukuumadda KULMIYE ka Hirgelisay Degmada Wajaale

0
87

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Mustafe Faarax Abraar, ayaa tilmaamay waxqabadyo kala duwan oo xukuumadda uu ka tirsan yahay ee xisbiga KULMIYE ka hirgelisay degaannada magaalo-xuduudeedda Tog-wajaale ee Gobolka Gabilay iyo guud ahaan dalka.

Wasiir Abraar oo hadal u jeediyey dadweynaha ku dhaqan degmada Wajaale oo isugu soo baxay soo-dhoweynta wefti culus oo ay horkacayaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbul-xaakimta talada haya KULMIYE shalay, waxa uu shacabka magaaladaas u ballanqaaday biyo-gelin, haddii ay Muuse Biixi Cabdi u doortaan Madaxweynaha Somaliland marka la gaadho doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan dabayaaqada sannadkan. “Waxaan mahad weyn u soo jeedinayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Wajaale sida ballaadhan ee ay noogu soo baxeen. Walaalayaal, degmada Wajaale waa xaruntii ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, waa xaruntii wax-soo-saarka beeraha oo waxay qaranka ugu fadhidaa ahmiyad weyn. Su’aashu waxa weeye, maxaa xisbgiga KULMIYE labadii xisbi qaran ee kale ay Reer Wajaale uga doorteen? Waa laba qodob uun: Qodobka koowaad waxa weeye, xisbiga KULMIYE waxa uu iibinayaa waxqabadkiisii oo ay kaw ka tahay; bari iyo galbeed, waddada Wajaale iyo Kalabaydh, Dila ilaa Boorama, Ceerigaabo ilaa Burco, intii uu waxqabad qabtay ayuu iibinayaa. Qodobka labaad, KULMIYE waxa ka sharraxan mujaahidkeenii weynaa oo dalkan iyo dadkanba ku leh xaq weyn, oo dib-u-dhiskii iyo qarankan hadday noqoto wax-u-taray, waa Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga ka sharraxan oo aynu dooranaynaa.” “Walaalayaal, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad idiinka mahad-celinayaa sida ballaadhan ee aad xisbiga ugu soo baxdeen weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo murrashaxa Muuse Biixi Cabdi, haddii aad codkiina na siisaan oo aad doorataan, waxaad ku maydhan doontaan labada gacmood, waxqabadka inta hadhayna xisbiga KULMIYE wuu dhammeyn doona,a biyihiina wuu soo gelin doonaa,” ayuu yidhi Wasiir Abraar.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here