Buuhoodle:(Hubaal)-Raashinkan oo ay dhiibeen guddida abaaraha ee Somaliland waxa loo qaybinayaa 16-magaalo oo mid weliba qaybteeda qaadatay, iyada oo qoys walba la siinay 80kg oo noocyada kala duwan ee raashinka isugu jira.
Wasiirka oo shacabka la hadlay, ayaa guddida raashinka la wareegtay ka codsaday in raashinka la gaadhsiiyo dadkii loogu talo galay, isaga oo intaas ku daray in caawimooyin badan oo ay biyuhu ugu muhiimsan yihiinna dhawaan halkaas la gaadhsiin doono.
Shacabka reer Buuhoodle, ayaa si weyn uga mahad celiyey caawimada uu wasiirku gaadhsiiyey, waxana ay sheegeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida dadka haysata.
Sidoo kale deeqo daawooyin loogu talo galay dad dhawaan shuban biyood ku dhuftay oo ku nool deegaanka Buuhoodle, ayaa halkaas la gaadhsiiyey, waxana la filayaa inay daawooyinkaasi hoos udhigi doonaan heerka uu cudurkaasi ka gaadhay deegaankaas, maadaama toddobaadkii dhawaa uun cudurku halkaaas ku laayey dad tiradoodu toban kor u dhaafaysay.