Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa magacaabay guddida qaban-qaabada Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, halka sidoo kale uu ku dhawaaqay wakhtiga ay qabsoomi doonto doorashadu.
Qoraal saxaafadda loogu talo-galay oo Maanta ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu caddeeyay magacyada 7-da xubnood ee guddida qaban-qaabada iyo waajibaadyada ay gudan doonaan, iyaga oo sidoo kale la faray inay sida ugu dhakhsaha baddan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo magacaabay.
Qoraalka wasiirka ayaa u dhignaa sidan:
“Kadib markaan arkay baahida loo qabo Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, markaan ku qancay aqoonta iyo waayo arragnimada ay u leeyihiin, markaan la tashaday cid kasta oo ay khusayso waxaan gartay inaan u magacaabo guddida qaban-qaabada doorashada xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, xubnahan hoos ku xusan:
- Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) – Guddoomiye
- Cabdiraxmaan Aadan Cumar (Awga) – Xoghaye
- Maxamed Nuux Jibriil – Xubin
- Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) – Xubin
- Luqmaan Cumar Cabdi – Xubin
- Iid Jibriil Axmed – Xubin
- Cumar Cabdi Aadan (Henry) – Xubin
Waajibaadkooda Shaqo ayaa waxay tahay:
- Inay isku duba-ridaan dhammaan hawlaha ka horeeya Doorashada ee loo baahan yahay.
- Inay diyaariyaan shuruudaha musharixiinta.
- Inay diyaariyaan Dastuurka Xidhiidhka Kubadda Cagta qoraalkiisa kama dambeysta ah.
- Inay hubiyaan dhammaan shuruudaha looga baahan yahay kooxaha heerka 1-aad, 2-aad iyo 3-aadba.
Dhammaan hawlahaasi waa inay diyaariyaan inta ka horeysa Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, oo qabsoomi doonta haddii ALLE yidhaahdo 20-ka iyo 21-ka bisha July/2016.
Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu idiin fududeeyo hawshaasi baaxada leh.
Allaa Mahad Leh
Cabdilaahi Faarax Maydhane
Wasiirka WDHC & Dalxiiska JSL.