Haddaan Gu’ga kuu kordhaa Gabow mooyee ku tarin Garaad iyo Waayo-arag Ilayn wax ma Dhaantid Geed
Nidaamka habka dawlad-nimo ee urursan waxa saldhig u ah dejinta iyo jaan-goynta Siyaaasad ku dhisan maamul-wanaag oo lagu hago Maamulka Iyo Maareynta hadba hay’addaha kala duwan ee Dawladdi leedahay, taasoo ah mid aanu la’aantii jiri karin haykalka iyo hanaanka dawligi ah. Sidoo kale, geedi-socodka nidaamka Dawlad wanaagga waxa shardi u ah in la helo Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahanno ku xeel-dheer hagista ama hoggaaminta hay’adaha Dawliga ah ee la rabo in lagu gar-daadiyo nidaamka casriga ah.
Somaliland oo hadda uu cimrigeeddu ku dhaw-yahay rubuc-qarni, intii muddadaa ahayd waxa ka hana-qaaday laba nidaam oo mid ahaa kii Axdi Qarameedka iyo kan hadda ee ku dhisan Asxaabta badan. Iyadoo uu sidaa u cad yahay in Qaranka Somaliland leeyahay haykal iyo nidaam Siyaasadeed qayaxan, waxa wax lala yaabo ah in Wasiirka War-faafintuMd.Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Fagaare kaga khudbadeeyoin Qaranka uu Wasiirka ka yahay Wasaaradiisa War-faafintu aanayu dejisnaynsiyaasad Qaranku leeyahay oo ay ku shaqeyso,oo xaalka hay’adaa dhan ee dawliga ahi uu yahay Jaantaa rogan.
Haddaba, marka Wasiirkusidaa leeyahay, ma wuxuu ujeeday Wasaaradda aan Wasiirka ka ahay malaha Jadwal ama kaltan nidaamsan oo Wararka, Doodaha, Barnaamijyada iyo Heesaha ka baxa Telefishanka iyo Idaacadda u dejisan? Mise wuxuu u jeeday Wasaaradda Warfaafintu waa meel aan Sharciyada iyo kala-dambayntu ka shaqeyn oo aan kala lahayn Madax iyo Mijo?.Hase-yeeshe horaa loo yidhi ‘Af baa la xukumaaye uur lama xukumee’ markii Wasiirka hadalku debada uga soo baxay ee uu ka arki waayey dadkii Madasha fadhiyey cid qabata ayuu isu qaatay inuu saxan yahay oo arrintan uu ka dhawaajiyey tahay mid aan laaxin laga jarayn.
Hase-ahaatee marka dib loogu noqdo qoddobka Wasiirku ka dhawaajiyey ee ah in Wasaaradda War-faafintu aanay lahayn Siyaasad lagu haggo intii Qarankani jiray, waxaad moodaa in Wasiir Cukuse uu dhex haftay Siyaasada maadaama uu garan la’yahay waxay tahay Siyaasadda uu rabo in Wasaaradda War-faafinta!, sidoo kalena Wasaaraddu leedahay Wasiir-ku-xigeen, Agaasime Guud iyo Maareeye TV. Bal haddaba waa naga Su’aale maxaa kala haga Wasiir Cukuse iyo Masuuliyiintaas?, Maxaa’se loo arki waayey Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha TV-gaoo tegaya Khamiislaha Shirka Golaha Wasiirada?.
Teeda kale aanu jirin nidaam Siyaasadeed ay Wasaaraddu ku shaqeyso, maxay ku bixisaa ama ku gashaa Ruqsadaha iyo heshiisyada?. Marka Sidaa xaalku yahay waxay u muuqataa inay hadda bulshada u cadahay in hadalka Wasiirku ahaa mid aan meelna kasoo gelin aqoon maamul iyo caqliyad hufan, balse uu ahaa mid uu iblays ka keenay. Sidaa darteed marka arrimuhu sidaa u dhacaan, waxa xaalka Wasiir Cukuse u eg-yahay mid aan geesna uga baydhin hal-ku-dhig ka mid ah Maansadii Gurmad ee uu curiyey Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), kaasoo ah; ‘Haddaan gu’ga kuu kordhaa Gabow mooyee ku tarin Garaad iyo waayo arag Ilayn wax ma dhaantid geed’.Sababtoo ahmarka la isku dherersho muddadii Wasiirku Siyaasada ka ag-dhawaa, halka uu Maanta ka joogo oo ah Meqaaam Mustawihiisa Madaxweynaha oo keliyi ka sareeyo Golaha Xukuumada iyo dhawaaqyada kasoo yeedhaya, waxaan cidina kala baaryi Karin marxalada Wasiirku Maanta joogo iyo hal-ku-dhiga Abwaanka aynu soo sheegnay.
Waa yaabka yaabkiiye, waxa taa kasii cajiib badan Odayaasha Rug-cadaaga ah ee Wasiirku tilmaamay oo uu ka dhex muuqday Yoonis Cali Nuur oo ah Nin Bulshada Af-ka Soomaaliga ku hadasha ay aad u taqaan ee Sacabka uu tumay hadalkaa gefka ku ah Qaranka ee Wasiirku hortooda ka sheegay ee ahaa in aanu Qarankani hore u yeelan, hadana lahayn Nidaam siyaasadeed lagu hago ama ay ku shaqeyso Wasaarada Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, inkasto marka gees kale kale laga eego amuusnaanta iyo ka hadal la’aanta Odayaasha ee dhacdadani loo fasiiran karo inay ahayd mid aanwaayeelka ka ahayn aqoon-darro balse ay ahayd ku digasho iyo talaabo xeeladaysan oo ay ku doonayeen inay kas-gaabnimada Wasiirka Fagaaraha soo dhigaan, sii umaddu uu ogaato.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo arrinkani qeyb ka yahay jaha-wareerka Siyaasadeed iyo mullaaqa maamul ee ka taagan Wasaaradda Warfaafinta, waxa cid kasta oo Qaranka lexe-jeclo ka haysaa is weydiinaysaa sababta Madaxweyne Siilaanyo tallaabo uga qaadi waayey masuuliyiinta Xukuumaddiisa ee sidan oo kale ugu tumaya Masiirka umadda iyo danaha Qaranka, mise tallow arrimo qarsoon oo masuuliyiintani u hayaan Madaxweynaha oo aanu maarmayn, sidoo kalena kala culus hadimada iyo hagar-daamada ay Qaranka ku hayaan.