“Hore waxa u jirey shirkado badan oo dalxiiska ka shaqeeya, waxana ay ahaayeen iska dukaamo nin waliba inta uu soo helo uu kaxayn jirey, laakiin waanu ka tashan doonaa…”Wasiir Khadar Xaaji
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Md. Khadar Xaaji Cabdilaahi Yuusuf, ayaa markii labaad digniin adag u diray kooxo dalka ku sugan oo ka ganacsada arrimaha dalxiiska, kuwaas oo uu sheegay inay maroorsadeen shaqadii wasaaradda, isla markaana aan u hoggaansamin awaamiirta wasaaradda.
Wasiir Khadar oo u warramay Telefishanka SBC, ayaa ugu horrayn sheegay inaanay wasaaraddu sidii la rabay u hawlgelin, isla markaana ay kooxo gaar ah oo aan wasaaradda ka tirsanaynini shaqadeedii gacanta ku hayaan, waxana uu yidhi, “Wasaaradda dalxiisku horeba way u jirtey, laakiin sidii la rabay umay jirin, shaqooyinkeediina inta badan dad gaar ah(private) baa ka faa’iidaysan jirey, imikana ma hawl yara oo dalxiiseyaal farobadan baa yimaadda, dhaqaale badanina way kasoo xeroodaan, khaladaad badan ooh ore loola soo qabsadayna way jiraan.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Wasiir Khadar sheegay inuu hore digniino arrina la xidhiidha ugu diray cidda lagu tuhunsan yahay, isla markaana uu dhawaan bixin doono ruqsado cusub oo gaar u ahaan doonta dadka ay wasaaraddu u oggoshahay inay arrimaha dalxiiska faraha la galaan, “Shirkadaha arrintaas ku jira mar walba waan uga digaa, waxana aan warqad cusub oo ogolaansho ah siin doonaa dadka awoodda u leh inay dalxiiseyaal keeni karaan, si aanu ogaanno kuwa khiyaamadda ku wada ee cashuurta la dhaafo ee meelahaas dalxiiseyaasha geeya,” ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji.
Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi waxa uu tilmaamay inay shirkadaha arrimaha dalxiiska ku hawlani iska noqdeen sidii tukaamo oo kale oo si aan qorshaysnayn mid weliba cidda ay doonto geyso meelaha ay rabto, balse haatan wixii ka dambeeya taas talo laga yeelan doono, waxana uu yidhi, “Hore waxa u jirey shirkado badan oo dalxiiska ka shaqeeya, waxana ay ahaayeen iska dukaamo nin waliba inta uu soo helo uu kaxayn jirey, laakiin waanu ka tashan doonaa oo wasaaradda maaliyadda iyo ta dalxiisku go’aan bay kasoo saari doonaan.”
Shirkadaha arrimaha dalxiiska la xidhiidha ku hawllan ee iyaga oo aan wasaaraddiisa soo marin ciidamada Booliska sida qarsoodiga ah u kaxaysanaya, ayuu si adag ula hadlay wasiirku waxana uu usoo jeediyey inay ka baxaan suuqa madow, “Weli waxad arkaysaa dad xumaanta la qabsaday oo askartii meelahaas ka kaxaysanaya oo aan wasaaraddii soo maraynin oo aad mooddo inay suuq madow ku jiraan, dadkaasna waxanu u sheegaynaa in liisanka uun lagala noqon doono, weli tallaabo maanu qaadin, laakiin shaqadooda waanu la soconaa, aniguna hore Ayaan uga digay askarta la iska raacinayo,” ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi.