Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Qabashada Koobka Gobalada Dalka U Mudeeyay Xili Aanay Xukuumadda Uu Ka Tirsan Yahay Dhisnayn

0
24

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Cali Siciid Reygal, ayaa koobka gobalada dalka u mudeeyay waxkhti aanay dhisnayn xukuumadda uu ka tirsan yahay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirka ayaa koobka gobolada dalka u asteeyay inuu qabto bisha sideedaad ee sanadkan aynu ku jirno iyada oo bisha lixaad ee sanadkan ay ku eegtahay mudo xileedka xukuumadan uu ka tirsan yahay.

 raygal

Qoraal kooban oo wasiirku uu soo saaray waxa uu isaga oo dhamays tiran u dhignaa sidan“Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasada xukuumada iyo dar-dar gelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar garaw xoogan oo ka duwan kuwii hore awgeed, waxaa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomaya haddii Alle Yidhaahdo bisha August sannadkan 2015. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomida tartankan oo ah ka ugu baaxada weyn Dalka ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo baddan, waa wakhti hadii Eebe Idmo ay bisha Ramadaan dhamaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaadaan Qurbo jog aad u tiro baddan.

Haddaba waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada shaqayn leenahay inay ku diyaar garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinay.

Hadda laga bilaabo tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono Insha Allah. Waxaanan rajaynayaa in tartankan soo socda iyo kuwa ku xigaaba inoogu qabsoomi doonaan hanaan qurux baddan oo nabad-galyo iyo xasilooni ah.”

waaheenmedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here