Wasiirka Dhaqanka Oo Digniin Adag U Diray Shakhsiyaadka Dalxiisenimada Kusoo Gabbanaya Ee Qorsheyaasha Qarsoon Dalka La Imanaya

0
50

“Askarta la qaadanayo ee weli socoto ee aan wasaaradda Dalxiisku ogayn ee meelaha soke laga qaadanayo ee iska raacaya waxan leeyahay wixii idinku yimaadda idinkaa isku qaba….”Wasiirka Dalxiiska

wasiirka-dhaqanka

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland Md. Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi, ayaa digniin cad u diray shirkadaha ka ganacsada arrimaha dalxiiska iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalku leeyahay.

Wasiir Khadar oo shalay u warramay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa si gaar ah ula hadlay shirkado uu sheegay inay ciidamo ilaalo ah u qoraan ash-khaas aan wasaaraddiisa ruqsad ka haysanin oo dalxiisayaal isku sheegaya, waxana uu tilmaamay in wixii dadkaas ku yimaadda ay shirkadahaasi masuuliyadooda qaadayaan, “Shirkadaha gaarka ah ee dalxiiska ka ganacsadaa waa inay nidaamka raacaan oo dadka ay keenayaan macluumaadkooda baadhaan oo ay ogaadaan ujeedadda ay u socdaan, Askarta la qaadanayo ee weli socoto ee aan wasaaradda Dalxiisku ogayn ee meelaha soke laga qaadanayo ee iska raacaya waxan leeyahay wixii idinku yimaadda idinkaa isku qaba, askariga ku raaco iyo wixii dhacoba adiga ayaa masuul ka noqonaya, waana inaanu annagu la soconaa dhaqdhaqaaqa dalxiisayaasha, waayo qaarkood baa laga yaabaa inay u socdaan inay Aasaarta qadiimiga ah iyo waxyaalo kale u socdaan,” ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji Yuusuf.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wasiir Khadar Xaaji Yuusuf waxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii uu wasaaraddaas uga dhigi lahaa mid la tartanta wasaaradaha kale ee qaranka, isla markaana dakhli uu dalka uga soo xaroodo, waxana uu yidhi, “hadafkayagu waa inay wasaaraddani noqoto mid lagu xisaabtamo oo wasaaradaha ka dhex muuqato oo dhaqaale kasoo xaroodo, dadka dalxiisayaasha ah ee imanayana waa inaan dalxiis uun la odhane la waraysto qof kasta oo imanaya, waayo qaar baa kuu imanaya iyaga oo wariyayaal ah ama hadafyo kale leh, waana inaanu kala shaandhaynaa.”

Dhibaatada dadka dalxiisayaasha sheegta ka imanaysa ayaa isa soo taraysa, waxana shakhsiyaadka arrimahan ku hawllan ee dalka dibaddiisa ka yimaadaa inta badan ku kacaan arrimo liddi ku ah khayraadka iyo aasaarta qadiimiga ah ee waddanku leeyahay, waxana ay inta badan kaashadaan shakhsiyaad dalka u dhashay oo lexejecladu ku yar tahay, balse qorshaha wasiir Khadar ayaa isagu ah mid dhammaanba dhibaatadaas suulin kara haddii sidiisa loo hirgeliyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here