Wasiir Khaliil Oo Indhaha Ka Qarsaday Wiilasha La Qaawiyey Ee Hablaha Geyaankooda ahi Lacagta Ku Daawanayaan
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaan wax weyn kasoo qaadin dhallinyaro dhawaan caasimadda Hargeysa kusoo bandhigay dhaqanno aan diinta islaamka ku haboonayn, kuwaas oo qaybo kamid ah jidhkooda oo qaawan iyo marar ay dhar jidhkooda ku dhejisan xidhnaayeenba lacago lagu daawanayey.
Wasiirka oo ay arrintan saxaafaddu wax ka weydiisay, ayaa sheegay inaanu arkin wax diinta dhibaato ku ah, waxana uu carrabkiisa u diiday inuu wax ka yidhaahdo da’yartii ragga iyo dumarkaba iskugu jirey ee iyaga oo isku dhex jira lacagaha ku daawanayey wiilasha qaarkood jidhkooda meelo cawro ahi qaawanaayeen ee ay caasimaddu marti gelisay.
Ugu horrayn wasiir Khaliil waxa uu sheegay in arrinta laga cabanayo diinta islaamka loo eegayo, waxana uu yidhi, “Arrimaha ay dadku ka cabanayaan ee dhaqan-xumada ay dhallinyaradu maanta meelaha qaarkood ku sansamaynayaan sharciga ayuun baa loo eegayaa oo lagu toosinayaa, waayo waxa aynu nahay umad manhajkeedii iyo diinteedii ku aasaasan tahay diinta islaamka.”
Wasiirka oo qiil u raadinaya wiilashii qaybo jidhkooda ah oo qaawan fagaarayaasha lagu daawanayey, ayaa wax aan qurux badnayn ku af gobaadsaday, isaga oo aan ka hadlin halista ku jirta inuu qof muslim ahi bulsho dhan hortooda ku qaawiyo cawradiisa, “Qofku inuu feedho qaawanaadaa ma qurux badna oo inuu dharka wada dhammaystiro ayaa wanaagsan, laakiin daruuro marka ay keento waxa wanaagsan inuu qariyo wixii xuddunta iyo jilibka u dhexeeya,” ayuu yidhi wasiir Khaliil.