Hargeysa:(Hubaal)-Wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md Cismaan Cabdlaahi Saxaradiid (Caddaani) oo safar shaqo ku jooga Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Xayndaab uu yeelan doono Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladu, iyagoo sidoo kale kormeer kusoo sameeyey Garoonkaasi. Waftigan oo ka koobnaa 5-xubnood, isla-markaana ay xubno ka ahaayeen Wasiir Caddaani, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Duulista iyo afhayeenka wasaaradda, ayaa waxa Halkaasi hadalo salka ku hayey sida loogu baahan in horumarinta garoonka la iska kaashado ka jeediyey xubno iskugu jira Madaxda Gobolka, Madax-dhaqameed, Xildhibaanno iyo waliba hormuudka Wasaarada oo uu wasiirku ugu horreeyo. Ugu horrayn Maayarka Degmada Borama Md Maxamed Xuseen Maydhane oo halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in lagu baraarug sanaado, isla-markaana cidkasta oo xayndaabkaasi dhulkooda gaadho looga baahan yahay inay danta guud iyo Bilicda Magaalada u dhug yeelato, “Garoonku maaha mid shaqsi leeyahay waa Garoonkii Jamhuuriyada Somaliland, oo ay yeelanayso Degmada Boorame, waxa ay Degmadu leedahayna dee Cid shaqsi ah ku tix galin mayno oo sheeganaya, shiqsiyada waxa la yidhaahdaa dee socon mayso marka dan dadwene timaado, hadii Gurigaaga dan Dadweyne lagaaga qaado waa in aad ka samirtaa, sidaa uunbaa if iyo aakhiraba lagu faa’iidayaa, lakiin cidii ku samriweyda dee waajibka talaabada sharciga ah ee wadanku leeyahay ayaa laga marayaa, danta guudna mid laysbaryaayo maaha, waa in qofku qaataa, hadii hantidiisii dan guud looga qaado in aanay ahayn, wax cid kale looga qaadaayo, waa wax aynu wada leenahay, waa meeshii umadan loogu adeegi lahaa, waa meeshii degmadaas dhan nolasheeda qayab ka noqon lahayad, markaa Dadweynahayaga waxaan leenaha dulqaad badan ayaa la idiinka baahan yahay.” Ayuu yidhi Maayarka Degmada Borama. Suldaan Xasan Xadi Baade oo kamid ah Madax-dhaqameedka Reer Borama oo isaguna Halkaasi ka Hadlay, ayaa wasiirka ku dhiirrigeliyey inuu ka dhabeeyo waxqabadka iyo dhamaystirka Madaarka Magaalada Borama, waxana uu yidhi, “Waxaan leenaha wax alle wixii dani ugu jirto Dalka iyo Dadka, iyo Dawladaba, cidii ka soo horjeesta umaduna way ka soo hor jeesan insha alaa, waxaan leenahay Madaarka inbadan ayaa la iman jiray, inta cagaf lagu xaadh xaadho, hadana dhirtii ayuun baa ku soo noqon jirtay, ee maanta waxaan rajaynaynaa, in Wasiir aanay dhirtii ku soo noqon ee uu noqdo, meel Dal, iyo Dadba ka faa’iidaystaan, Dadweynahana waxaan leeyahay in wixii dani ugu jirto ay ku samraan, oo Diyaarada iyo Dadkii fuulayeyba ay yeeshaan, inta Dawlada ma ahee, waa in ay keenaan Diyaarada iyo Dadkii fuulilahaaba.” Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda garoonkaasi leeyahay, waxana uu dadweynaha uga digay inay dhulka garoonka kusoo xad gudbaan, “Waxanu ugu jecelnahay Madaarkaa, waa waxyaabaha aanu ugu jecel nahay, in uu dhis oo Umadu ka faa’iidaysto oo wax loogu qabto, dhulkani wada jago iyo Beero ayuu ahaa, Madaarku kolay xuduud iyo xad ayuu lahaa Dawladeed, waxa weeye sharcigii cidna laga ogolaan mayo in ay ku soo xad gudubto, hadii xitaa durugsiimo timaado, oo Madaarku dhul kale u baahdo, waxa weeye in Dadweyne iyo odayaalba talaabo la wada qaado.” Ayuu yidhi Suldaan Dhawal. Ugu danbayantii Wasiirka Wasaaradda Duulista Cismaan Cabdilaahi Saxaradiid(Caddaani) oo soo gunaanaday munaasibaddii dhagax dhigga, ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu shaqadii uu qabtay intii uu Wasaaradda tegay ka bilaabo magaalada Borama, waxana uu shacabka usoo jeediyey inay maanka ku hayaan muhiimadda ay leedahay danta guud oo cid waliba ka faa’iidayso, “Waxaan u malaynayaa shaqadaydii ugu horeysay waxaan ka bilaabay Boorame, hadaan xidig ku noqon lahaa iyo hadii kaleba, waxa aan uga bilaabayna waxa weeye Boorama maaha Caasimadii Gobolka Awadal oo qudhee, waa Magaalooyinka ugu Waaweyan Jamhuuriyada Somaliland maanta, hadaad dadweynaha eegto, oo Dadka maanta Degan sida ay u korayso, runtii waa xawli weeye, waana Magaalo u baahan, wax alle wixi Magaaloyinka Waaweyn ee Dunida jiraa ay u baahan yihin, hada waa inta ay Hargaysi u baahan tahay iyo wax la mida mooyaane, marna kama yara waxa ay Boorama u baahan tahay, waxa weeye sida aad ka war haysaan Hargaysa dhulkeedii waa lagu kala hagaagay, shacabka Jamhuuriyada Somaliland ee deegamada halka degani, dhinaca galbeed iyo dhinaca bari ee Masalaha, Dadkii deganaa iyaguna Beerahoodii ay lahayeen iyaguna sidaa ayey u dhiibeen, sababtoo ah waxa weeye danta guud ee Qaranka, iyo Magaalada Hargaysa ayey u dhiibeen.” Ayuu yidhi Wasiir Caddaani. Wasiirku waxa uu intaas ku daray
“Halkan aynu maanta ka hadlaynaa waxa weeye, runtii ma aha Dhul aynu Dad ka qaadaynee, waa Garoonkii ay waligeedba lahayad ee u qoondaysnaa, weeye oo aad moodo in lagu soo durdurkay, hadaynu doonayno in Boorama korto, oo aynu doonayno in ay noqoto, waxa kastaa dhici kara Madax ayaa ka soo dagi karta, Aduunyada kale in aynu Diyaaradaheeda u furno ayey noqonaysaa, arin caafimaad ayaa dhici karata oo ay noqonaysaa khasab in Diyaarad lagu soo fadhiisiyo, oo la qaado qof wax gaadheen ama Nin ama Gabadh ialahay inaguma keenee, waa in la helaa meeshii ay Diyaaradaasi ku soo Degaysay.Diyaaradaha yaryari waxa ugu yare e ay ku soo dagi karaan waxa weeye Garoonada, 150M ayaa ugu yar in aynu balaadhino mooyane, waxaanu samaynaynaa oo aanu manta samaynayanaa, Garoonka inta aanu qaaydaynaa waxa weeye 4800 oo Miter, waxaanu ku samaynaynaa 1200 oo kaabadood oo ay u dhiman tahay uun in Siligii lagu wareejiyo kaabadaha, sida Hargaysa oo kale, Ayuu yidhi Wasiirku.” Ayuu yidhi Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid.