Wasiirka Ganacsiga Oo Kulan Ku Guubaabiyay Wakiillada Dibadda ee Xisbiga KULMIYE Iyo Nuxurka Farriin Ay ballanqaadeen Inay Kula Noqonayaan Dalalka Ay Ka Yimaadeen
Akhri: Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga JSL Oo Meel Isugu Keenay Kaadiriinta Xisbul-xaakimka Ee Dalalka Yurub, Maraykan Iyo Khaliijka Carabta
Hargaysa (Hubaal): Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Xuseen Aadan Cigge (Xuseen-deyr), ayaa munaasibad qado sharaf ah u sameeyay laamaha xisbiga KULMIYE ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Carabta iyo wadamadda Scandinavian-ka, waxaana la isku waafaqay in juhdi adag loo galo sidii xisbigu ugu guulaysan lahaa markii labaad oo xidhiidh ah tallada dalka.
Munaasibadan oo shalay lagu qabtay hudheel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada wasaaradaha Cadaalada iyo gar-soorka Axmed Faarax Cadarre, Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse, Xubno ka mid ah laamaha xisbiga KULMIYE ee wadamada Maraykanka, Ingiriiska wadamada carabta iyo Scandinavian-ka xubno ka mid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE.
Wasiirka wershadaha Shucayb Maxamed Muuse, oo halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay Wasiirka ganacsiga qado sharaftaas uu u sameeyay xisbiyahanadda KULMIYE ee dalalka adduunka. “Waa loo baahnaa kulanka noocan oo kale ah Wasiir Xuseenka waan ku dhiirigelinayaa waxaanan leeyahay waa kulan muhiim ah oo ku saabsan siii horumarinta iyo dedaalka uu xisbigu ugu jiro in uu mar labaad hanto tallada dalka. Xisbi ahaana diyaar ayaan u nahay, waxaanan leeyahay xisbiga KULMIYE waa u dhammaystiran yahay nidaamkiisii ciyaareed ee uu tartanka ku galayay,”ayuu yidhi Wasiirka Wershaduhu.
Sidoo kale Wasiirka cadaalada iyo garsoorka Axmed Faarax Cadare, ayaa amaanay laamaha xisbiga KULMIYE ee dibada oo uu ku doday inay kaalin shariif ah ka soo qaateen dhismaha xisbiga iyo guushii uu ku haaneeday tallada dalka 2010-kii. “Doorashaddii ayaa soo dhow waxa la idinku yaqaanay in aad ka qeyb qaadan jirteen dhawr qeybood oo ugu muhiimsan oo aan ka markhaati ka ahay, oo kala ah xagga dhaqaalaha hormood ayaad ka ahaydeen, imikana waxa la idiinka baahan yahay in sidii aad u sii wadaan,”ayuu yidhi Wasiir Cadarre.
Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa sheegay inuu xafladan ugu maamuusay wakiiladda dibadda ee xisbul xaakimka si loogu muujiyo halka ay kaga jiraan xukuumadda iyo xisbigeedaba.
Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay in sidoo kale kulan uu la xidhiidho sidii wakiiladda dibadda ee xisbiga KULMIYE loogu guubaabin lahaa dardar-gelinta hawlaha miisaanka leh ee ay u hayaan xisbiga si loogu gogol xaadho in xisbigu mar labaad ku guulaysto tallada wadanka.
“Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee laamaha dibada ee shalay halkan jooga oo ay ka mid yihiin dalalka Scandanivian-ka, UK, Maraykanka iyo dalalka Carabta, waxaan hubaa idinkuna boorinayaa inaad tihiin garbihii iyo baalashii xisbigu ku duulayay oo qof waliba halkiisa ku yahay masuul xisbiga iyo qarankaba xil u haya. Waxaynu ka shaqeynayaa in xisbiga aynu fikirkiisa siyaasadeed aaminsan nahay inaynu mar labaadna innagoo isku duuban ka shaqeyno sidii aynu ugu guulaysan lahayn tallada dalka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona Bisha March 2017-ka,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Geesta kalena, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka mida laamaha xisbiga KULMIYE ee wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaanay Wasiirka Ganacsiga uga mahad celiyeen sooryadda uu u sameeyay, waxaanay balan qaadeen inay si weyn ugu heelan yihiin inay kor u qaadaan dedaalka xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu sii adkayso tallada wadanka ee uu codka aqlabiyadda ah kula wareegay Hoggaaminta Somaliland sannadkii 2010-kii.