Buuhoodle (Hubaal) Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale oo Toddobaadkii ugu dambeeatyay ku sugnaa Degmada Horafadhi ayaa Shalay Socdaal ku tagay Magaalada Buuhoodle,kaas oo kulan la yeeshay Cuqaasha iyo Waxgaradka Deegaankaas. Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa waxa kulan qaatay Huteel rays ee Magaalada Buuhoodle Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle,taas oo ay ka wada hadleen adkaynta nabadgalyada iyo sidii loo soo afjari lahaa Shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka Horafadhi.
Cabdirashiid Ducaale Qambi oo kulan kaasi ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen Cuqaasha iyo waxgradka Magaalada Buuhoodle.waxaana uu yidhi“Socdal kani waxa uu dabo sacdaa socdaal kayagii aanu ku nimid Buuhoodle iyo Horafadhi kaas oo ku sahabsanaa nabadgalyada iyo guud ahaan shaqaaqadii ka dhacday gocondhaale arin kiiisuna ku dambeeyay meesha la yidhaahdo Ceegaag iyo Horafadhi arin kaas oo Toddobaadkan aanu ku jirnay,waxaana aan ku boorinayaa Cuqaasha iyo waxgaradka jooga Ceegaag arinkaa soo afjarideeda sidaa u wadaan in arinka soo afjarmo ee aanu sii jiitamin labada dhinacna waxa aan u rajaynayaa khayr,”.
Cabdirashiid Ducaale Qambi oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi“Odayaashii aanu la shirnay maanta shalay waxa aanu kala jirnay arinkaa Horafadhi laftiisa sidii loo xasilin lahaa,waana isku afgaranay odayaasha waxaana aan farayaa dadka reer Buuhoodle oo aan usoo jeedinayaa in in aanay jirin Nabedgalyo wax dhaama cid kasta oo faraha ku haysa nabadgalyo wax aan ahayn wax khar daro aan ahayn oo ay ka helayaan majirto,dadka leex leexinaya ee xadkeedii loogu talo galay dhaafinaya waxa aan kula talin lahaa ama dibada ha joogeen ama dalka ha joogeen maalin wax la qaso ama wax la Siyaasadeeyo majoogno.in laga daayo ayaa quman in sidii Nabedgalyada loo xasilin lahaa lahaa ayaa quman in sidii loo heshiin lahaa falawgeeda la qabto ayaa quman,Buuhoodle wadooyin badan ayaa ku soo aroora wax aan odhan lahaa cid kasta oo Buuhoodle ku soo arooraysa waxa aan kula talin lahaa in Nabedgalyo laga taliyo umadda sidaas ayaa u dana guud ahaan Somaliland sidaas ayaa u dana,”.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Buuhoodle Mustafe xaaji Cabdi Muuse oo soo dhaweeyay Wasiirka ayaa waxa sheegay in meel fiican u marayso soo afjarida shaqaaqadii ka dhacday Horafadhi.