Waddadani Waxay Ka Mid Tahay Waddooyinka Kharashka Badan La Geliyey ee Dalka
Hargeysa: (Hubaal) – Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed(cali-marreexaan), ayaa booqasho ku tegay waddada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Wajaale iyo Gebiley oo dhaawacyo culusi kasoo gaadheen roobab muddo ka hor halkaas ka da’ay.
Wasiir Cali-marreexaan oo indhihiisa ku soo arkay dib-u-habayn lagu wado dariiqaas oo hore looga dhisay sanduuqa SDF-da, ayaa dul istaagay dib-u-dhiska lagu wado dariiqaas oo markii hore si farsamadeedu hoosayso loo dhisay, isla-markaana indhaha laga qarsaday qorshihii loogu talo galay in biyo-mareenno lagu sameeyo oo qandaraaska ku jirey, balse la kala shaxaaday.
Cali-marreexaan, ayaa haatan ka hor safar uu halkaas ku tegay ku arkay daadad soo rogmaday oo gooyey aag ballaadhan oo laamigii cusbaa kamid ah, kadib markii ay biyihii waayeen meel ay ka baxaan, waxana halkaas ka dhacay khasaare baaxad leh oo laamiga gaadhay, iyada oo ay biyuhu goosteen dhul badan oo laamigu marayey.
Wasiir Cali, ayaa isagu hadal kooban ka jeediyey kormeerkiisa uu ku tegay goobaha uu waddada dhaawacu ka gaadhay, waxana uu yidhi,“halkani waa dariiqa isku xidha dalalka Ethiopipa iyo Jahmhuuriyadda Somaliland, waddadan halbawlaha intii xukuumadda KULMIYE jirtey ayaa la dhisay oo laami laga dhigay, laakiin markii ay waddadii dhaqan gashay waxa soo baxay in buundooyinka biyaha ka tallaabinayaa yaryihiin oo aanay ku filnayn, taasina waxa ay keentaya in roobabku ay waddada dul maraan oo qiyaastii 1Km ay jabiyaan, waxana aanu booqasho kadib aanu go’aaminay in buundooyinka la kordhiyo oo saddex buundo lagu daro,”.
Dhaawaca gaadhay waddada isku xidha magaalooyinka Wajaale iyo Gabiley, ayaa niyad jab weyn ku keenay sanduuqa SDF oo lacagta laga bixiyey, waxana khubaro xagga waddooyinka ah oo halkaas loo diray xaqiijiyeen in la marajo habaabiyey qorshihii loo dejiyey in waddadaas loo dhiso, isla markaana aan la haynin meesha la geeyey
kharashaad tiro badan oo loogu talo galay in waddada loogu sameeyo biyo mareeno waaweyn oo ku filan si biyaha halkaas soo maraa u helaan meel ay ka dusaan.
Biyo-mareen la’aanta laamigaas qabsatay, ayaa su’aal gelisay dariiqyo kale oo la qoondeeyey in kharashaadkooda laga bixiyo sanduuqa SDF, waxana soo baxday inay jiraan jid gooyooyin lagu hagardaamaynayo tayada laamiyada la doonayo inay raandhiis dambe yeeshaan.
Wasiir Cali, ayaa intii uu wasaaradda Hawlaha guud joogay gudo galay samaynta iyo tayactirka waddooyin badan oo meelo dalka ah ka socda, waxase aanu weli ka bixin tijaabada tayada waddooyinkaas oo middii ugu horraysay ay hadda kasoo baxday su’aalo ku gedaaman in shaqada loo qabtay sidii ugu wanaagsanayd ee dhinacyada daneeyayaasha ahi isku ogaayeen.